Adeeg Wanaag

Barakacayaasha iyo Kaalintooda ku Aaddan in Xal Waara Loo Helo Barakaca


Listen Later

Colaadaha iyo musiibooyinka dabiiciga ah ee dalka ka jira waxa ay sababeen barakac baahsan. Qiyaastii afar milyan oo qof ayaa ku barakacay gudaha dalka. Dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada iyo hay’adaha aan dowliga aheyn ayaa ku howlan xal-u-hellida dadka barakacayaasha ah.  

Somali Public Agenda ayaa dhawaan daabacday daraasad ku saabsan “Sida Xal Waara Loogu Heli Karo Dib-u-dejinta Dadka Barakacayaasha ah” ayadoo la adeegsanayo hababka ay bulshada isku abaabulaan, isugu tashtaan, islamarkaana ay ugu adkeystaan duruufaha kala duwan ee barakacu sababay. 

Qeybtan 34-aad ee Adeeg Wanaag Podcast, Agaasimaha SPA Policy Lab, Dr. Aweis Ahmed, iyo Farxiya Maxamuud oo ah cilmibaare ka tirsan SPA sidoo kalena hormuud u aheyd cilmibaaristan ayaa ku falanqeynaya nuxurka daraasaddaas iyo waxyaabihii lagu ogaaday.



Contact Somali Public Agenda’s Adeeg Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda, @Aweisade (the host), and @SPAPolicyLab

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

...more
View all episodesView all episodes
Download on the App Store

Adeeg WanaagBy Somali Public Agenda

  • 5
  • 5
  • 5
  • 5
  • 5

5

1 ratings