Midowga dhalinyarada Mutadawiciinta Soomaaliyeed waa urur dhalinyaro oo la asaasay bishii March ee sanadkii 2017 kii, waxa uu ka hawl galaa Somalia, gaar ahaan gobolka banaadir iyo nawaaxigiisa. Waa midow dhalinyaro oo shaqadoodu tahay wacyi gelinta bulshada iyo kaalmaynta dadka nugulka ah ee ubaahan caawinta.
Ma ahan urur faa’iido doon ah taas bedelkeedana waxay dhalinyaradani wakhtigooda, hantidooda iyo aqoontoodaba galiyaan horumarinta bulshada dan yarta ah.
Dr. Mohamed Magan waa mid ka mid ah aasaasayaasha Midowgaas dhalinyarada ah waxaan kala sheekaysanayaa waxa uu qabto ururkoodu, ujeedkii loo aasaasay, guulihii ay gaareen iyo wiliba caqabadaha ay la kulmeen intii wadeen shaqadan.