Muxyadiin Maxamed Cabdille waa nin dhalinyaro ah oo hibo ilaahay usiisay curinta suugaanta noocyadeeda kala duwan, waxa uuna ku nool yahay gudaha dalkeena hooyo.
Suugaanta uu curiyo Muxiyadiin badi waa mid uu uga hadlo arrimaha bulshada gaar ahaan wadaniyadda, dowlad wanaagga, dhaqanka soomaalida, horumarinta nolosha aadanaha iyo wiliba haasaawaha dhalinyarada.
Muxiyadiin waa martida todobaadkan ee Hawraarsan Podcast, waxa aanna kala sheekaystay waayihiisa hal abuurnimo iyo wiliba guud ahaan halka uu marayo kan Soomaalidu oo waayadan dambe lagu xanto mid hoos usii dhacaya. #HawraarsanPodcast