Irmaan
Download on the App Store

Irmaan episodes

  • S1E10 Ganacsade Siyaasadda U Soo Wareegay: Hamiga Madaxweyne ee Cumar Fiqi | Irmaan Podcast

    Sidee ayuu Cumar Fiqi uga soo gudbay ganacsiga una galay siyaasadda, maxaase uu dalka ka beddeli karaa haddii uu madaxweyne noqdo?
    Qaybtan Irmaan Podcast, Musharrax Madaxweyne Cumar Fiqi wuxuu kaga hadlayaa safarkiisa nololeed iyo ganacsi—laga soo bilaabo dib ugu soo laabashadiisii dalka iyo aasaaskii Human Care Diagnostics, keenistii bajaajtii ugu horreysay ee Muqdisho, dhismaha shirkadda Ogsajiin iyo kaalintii uu ku lahaa sifeynta biyaha nadiifka ah.
    Waxa kale oo uu sharxayaa sababta uu ganacsiga uga soo wareegay siyaasadda, waxa uu kaga duwan yahay musharraxiinta kale iyo muddada uu aaminsan yahay in lagu hirgelin karo isbeddel muuqda oo dalka ka dhaca.

    Time Code:
    00:00 Hordhac
    02:29 ka hor Ganacsiga kumu ahaa Musharax Fiqi
    03:26 dib ugu soo laabashii dalka iyo bilowgga Human Care Diagnostics
    07:47 Caqabadihii ugu adkaa ee shirkadda Human Care Diagnostics ay soo martay
    11:20 Bajaajti ugu horeysay ee Muqdisho la keeno
    17:58 Sameynta shirkadda Ogsajiin ee dalka iyo caqabadaha warshadeynta
    29:06 Sidee Musharax Fiqi ugu qeyb qaatay shrikadda sifeynta biyaha nadiifka ah
    31:34 Ganacsiga ilaa Siyaasadda sidee Cumar Fiqi ugu kala wareegay?
    39:01 maxuu musharax Fiqi ugu duwan yahay musharaxiinta kale
    43:30 Sanadaha uu u baahan yahay Musharax Fiqi isbedelka dalka
    48:00 Gabagabo

    Barnaamijka: Irmaan Podcast
    Martida: Musharrax Madaxweyne Cumar Fiqi
    Martigeliyaha: Abdullahi Salad
    Soo saarista: Dawan Media

    #IrmaanPodcast #CumarFiqi #DawanMedia #DawanTV #Ganacsi #Siyaasad #Soomaaliya

    51 min
  • S1 E8: Irmaan Podcast | Banaadiri Coffee: Dagaalkii Bunka, Ganacsi & Shaqo-Abuur, Ibraahim Ali Shido

    Sidee ku bilaabatay Banaadiri Coffee, maxaase ka dambeeyay caqabadihii waaweynaa ee ay la kulmeen markii ay dib u bilaabayeen ganacsiga bunka Soomaaliya? ☕🇸🇴

    Qeybtan Irmaan Podcast, waxaa marti ku ahaay Ibraahim Ali Shido, Maamulaha Banaadiri Coffee, oo si faahfaahsan uga sheekeynaya bilowgii Banaadiri Coffee, konteenarkii bunka ee caqabadda galay, “dagaalkii bunka”, tababarka baristayaasha, shaqo-abuurka dhalinyarada iyo mustaqbalka coffee-ga Soomaaliya.

    Waxaad sidoo kale ku ogaan doontaa sida Banaadiri Coffee u xulato coffee-ga, noocyada kala duwan ee bunka, xirfadda barista iyo su’aasha weyn: Soomaaliya coffee ma lagu beeri karaa?

    Time Codes
    00:00 – Hordhac
    01:56 – Bilowga Banaadiri Coffee
    06:52 – Dib ugu soo laabashadii dalka ee Banaadiri Coffee
    10:15 – Maxaa ku dhacay konteenarkii bunka ee ay keeneen bilowgii?
    15:38 – Furitaanka xarunta tababarka Barista
    20:16 – Dagaalkii Bunka ee lagu guuleystay
    23:00 – Xarunta tababarka Banaadiri Coffee iyo xalka shaqo la’aanta
    29:09 – Sidee Banaadiri Coffee u xushaan coffee-ga?
    35:15 – Noocyada Coffee-ga iyo awooddiisa
    37:00 – Mustaqbalka Banaadiri Coffee
    42:26 – Qiimaha barashada Coffee sameynta
    48:36 – Soomaaliya Coffee ma lagu beeri karaa?

    Haddii aad xiiseyneyso ganacsiga, coffee-ga, shaqo-abuurka dhalinyarada iyo fursadaha cusub ee Soomaaliya, wareysigan ha moogaan.

    56 min
  • S1 E7: Irmaan Podcast | Shaqaale iyo Loo-shaqeeye: Yaa Qaldan? | Maxamed Jibriil

    Shaqaale iyo loo-shaqeeye—yaa qaldan marka uu khilaaf yimaado?
    Qaybtan Irmaan Podcast waxaan ku martiqaadnay Maxamed Jibriil, oo ah lataliye ganacsi la shaqeeya shirkado Soomaaliyeed. Waxaan si qoto dheer uga wada hadalnay xaaladda shaqo la’aanta Soomaaliya, caqabadaha u dhexeeya shaqaalaha iyo loo-shaqeeyayaasha, xuquuqda shaqaalaha iyo sababaha keena in shaqaaluhu shaqada ka tagaan.
    Maxamed Jibriil wuxuu sidoo kale sharxayaa halka ay salka ku hayso shaqo la’aanta dhalinyarada Soomaaliyeed, muhiimadda tababarka shaqaalaha iyo tallaabooyinka ay tahay inay qaadaan shirkadaha iyo shaqaaluhuba si loo helo jawi shaqo oo wanaagsan.
    Timecode:
    00:00 Hordhac
    01:30 Xaaladda shaqada la’aanta Soomaaliyeed
    02:40 Mushkiladda Shaqaalaha iyo loo shaqeeyaha
    09:45 Shaqa la’aanta dhalinyarada Soomaaliyeed
    11:48 Sharciga Shaqaalaha
    16:34 yaa qaldan shaqaalaha iyo milkiilaha marka ay timaado shaqa ka tagis?
    26:45 maxaa asal u ah shaqa la’aanta?
    29:12 Shaqada Baariistanimada iyo Soomaalida
    33:34 Fariinta Maxamed Jibriil ee shaqaalaha iyo shirkadaha 

    Daawo wareysiga oo dhammeystiran, kadibna nala wadaag aragtidaada:

    40 min
  • S1 E6: Irmaan Podcast | Taariikhda Beeraha Soomaaliya: Maxaa Ku Dhacay Mooskii Soomaaliya?

    Beeraha Soomaaliya waxay soo mareen marxalado kala duwan—laga soo bilaabo xilligii gumeysiga, dowladdii rayidka, kacaankii, burburkii dowladdii dhexe ilaa maanta.

    Qeybtan cusub ee Irmaan Podcast, Cabdullaahi Salad waxaa marti u ah Maxamed Abiikar Axmed, Guddoomiyaha Ururka Qaranka Iskaashatooyinka Beeraha Soomaaliya.

    Waxyaabaha laga hadlay waxaa ka mid ah:

    Taariikhda beeraha Soomaaliya
    Doorkii Talyaaniga iyo gumeysiga
    Beerihii dowladdii rayidka iyo kacaankii
    Dhoofintii mooska Soomaaliya
    Dagaalkii Mooska
    Sababaha hoos u dhaca wax-soo-saarka
    Xaaladda maanta ee beeraha iyo dhoofinta
    Doorka iskaashatooyinka
    Sababta bangiyadu u maalgelin waayeen beeraha
    Qalabka beeraha iyo taageerada dowladda
    Sida Soomaaliya u gaari karto isku filnaansho cunto

    Qaybaha muuqaalka:

    00:00 Hordhac
    02:02 Taariikhdiisa waxbarasho iyo shaqo
    11:08 Beeraha Soomaaliya ka hor gumeysiga
    13:53 Xilligii gumeysiga Talyaaniga
    19:00 Dowladdii Rayidka iyo beeraha
    21:22 Kacaankii iyo horumarinta beeraha
    33:20 La wareegidda hantidii ajaanibta
    41:44 Korontada iyo horumarka beeraha
    44:12 Mooska Soomaaliya iyo burburkii dowladdii Militariga
    48:58 Dagaalkii Mooska Soomaaliya
    51:14 Wax-soo-saarka iyo dhoofinta wixii ka dambeeyay 2000
    1:10:38 Xaaladda maanta ee mooska iyo waxyaabaha la dhoofiyo
    1:13:50 Doorka iskaashatooyinka
    1:17:02 Bangiyada iyo maalgelinta beeraha
    1:21:22 Qalabka beeraha ee dowladda keentay
    1:26:45 Sidee loo gaari karaa isku filnaansho cunto?

    1 hr 36 min
  • S1 E5: Irmaan | Sirta Domain-ka .SO: Ciise Guuleed oo Ka Hadlay HP, 11 Bilyan, Farmaajo & Eurosom

    Wareysi Xiisa leh oo Dr. Ciise Guuleed kala hadlayo sheekooyin badan oo dadku isweydiin jireen—yaa lahaa doorka Domain-ka .SO? Maxaa ka jira 11 bilyan? Maxaa dhex maray isaga iyo Farmaajo? Sidee ayuu ku galay HP? AI-se ma beddeli kartaa mustaqbalka Soomaaliya?

    Wareysigan waxaad ku ogaan doontaa taariikh, sirar, khibrad caalami ah, siyaasadda Soomaaliya, data, AI, Eurosom, iyo sababta tiknoolajiyaddu muhiim ugu tahay jiilka cusub.

    🔔 Haddii aad ka heshid barnaamijkan, fadlan SUBSCRIBE dheh, LIKE-na saar, si aad u heshid wareysiyada dambe ee muhiimka ah!

    Timecode:

    00:00 hordhac
    02:10 Taariikhda Ciisa Guuleed iyo Domain-ka .so
    12:48 Sameystee Sophia iyo Doorkii Ciise Guuleed, ku biiristii HP
    18:20 11bilyan maxaa ka soo gaaray Ciise?
    24:20 HP ka dib intee ayuu aaday?
    27:11 Domain-ka .so sidee ayuu ku wareejiyay?
    31:38 maxaa dhex maray Cise iyo Farmaajo?
    50:54 Eurosom iyo safarkii Muqdisho ay ku timid
    58:05 sidee loo soo dhaweeyay Shirkadda?
    1:02:00 Qabyaaladda malagu xalin karaa AI?
    1:05:58 Barashada AI ee siyaasiyiinta
    1:08:27 caqabadaha ay suuqa kala kulantay Eurosom
    1:13:44 ilaa intee ayay Eurosom Data hayn kartaa?
    1:18:33 meeqa meel ayay data ku haayaan?
    1:22:10 Maxaa ku dhaliyay in ay dadka baraan AI iyo Tiknoolajiyadda?
    1:26:00 Gabagabo

    #CiiseGuuleed #Somalia #DotSO #AI #Farmaajo #HP #Eurosom #SomaliPodcast #Tiknoolajiyad

    1 hr 31 min
  • S1 E4: Maxaa laga soo maray dhismaha Dilek Somalia? Sheekada Mooska iyo Soomaalida | Irmaan Podcast

    Dilek Somalia sidee ayay ku timid? Maxay kala kulmeen bilowgii dhismaha shirkadda? Sidee ayay maanta u shaqeysaa, shaqaalahana u qaadataa? Su’aalahan iyo kuwo kale oo badan waxaa Irmaan Podcast uga jawaabaysa Naciima Faarax Cabdi.

    📌 Qodobada ugu Muhiimsan ee Wareysiga:
    • Bilowgii iyo aasaaskii Dilek Somalia
    • Caqabadihii ugu adkaa ee ay soo mareen
    • Habka ay shaqaalaha u qaataan
    • Isbeddelka suuqa shaqada
    • Waxyaabihii ay ka barteen safarka Dilek Somalia
    • Af-Turki iyo doorkiisa Dilek Somalia
    • Sheekada xiisaha leh ee “Mooska” ee Dilek Somalia

     🔔 Haddii aad ka heshid barnaamijkan, fadlan SUBSCRIBE dheh, LIKE-na saar, si aad u heshid wareysiyada dambe ee muhiimka ah!

    #DilekSomalia #IrmaanPodcast #NaciimaFaraxCabdi #DawanTV #ShaqooyinkaSomalia #GanacsigaSomalia #PodcastSomali

    Time code 
    00:00 hordhac
    01:08 Dilek Somalia sidee ayay ku timid?
    06:18 Maxay kala kulmeen bilowga dhismaha Dilek Somalia?
    08:15 Caqabadi ugu adkeed inta ay Dilek Somalia
    10:30 Sidee Dilek Somalia hadda u shaqeysaa?
    14:20 Sidee Dilek Somalia Shaqaalaha u qaadataa?
    18:23 Suuqa shaqada maxuu ka badalay?
    20:00 Dilek Somalia Maxaa lagu bartay?
    23:24 Af Turki malooga hadlaa Dilek Somalia?
    25:18 Sheekada Mooska ee Dilek Somalia
    29:25 Gabagabo

    33 min
  • S1 E3: Maxaa dilay Shilinka Soomaaliga? | Irmaan Podcast

    Podcast-kan Irmaan waxaan ku falanqeyneynaa mustaqbalka Shilinka Soomaaliga, sababaha keenay in Soomaalidu si weyn u isticmaasho Doolarka, iyo doorka Mobile Money-ga ee dhaqaalaha Soomaaliya.

    Martida: Dr. Cabaas Cumar Maxamed waxaa daadihinaya Cabdullaahi Salaad oo ka tirsan Dawan Media.

    Martidu waxay sharxeysaa waxa lacag qiimo u yeela, kalsoonida bulshada, taariikhda Shilinka Soomaaliga, burburkii lacagta kadib dowladnimadii, iyo su’aasha weyn ee ah: Soomaaliya ma soo celin kartaa lacagteeda?

    Waxaan sidoo kale ka hadlaynaa doorka Bangiga Dhexe, caqabadaha daabacaadda Shilin cusub, Dollarization-ka, sicir-bararka, iyo sida dib-u-habeyn dhaqaale oo taxaddar leh loogu baahan yahay.

    Chapters:

    Waa maxay lacag?
    Taariikhda Shilinka Soomaaliga
    Maxaa keenay isticmaalka Doolarka?
    Mobile Money
    Doorka Bangiga Dhexe
    Dollarization iyo dhaqaalaha
    Soo celinta lacagta dalka

    #Somalia #SomaliShilling #MobileMoney #Dollarization #BangigaDhexe #IrmaanPodcast #DawanMedia

    00:00 Hordhac: Shilinka Soomaaliga ma soo noqon karaa?
    01:28 Martida podcast-ka: Dr. Cabaas Cumar Maxamed
    02:55 Cilmi-baarista dhaqaalaha iyo dowladaha dhaqaalahoodu liito
    04:22 Lacagtu maxay qabataa?
    05:50 Shilinka Soomaaliga iyo qiimeyntiisa maanta
    07:18 Dhibaatada isticmaalka Shilinka ee ganacsiga waaweyn
    08:45 Lacagaha duugga ah iyo kuwa been-abuurka ah
    10:13 Xilligii Shilinka Soomaaliga xoogga lahaa
    11:41 Sababihii qiima-dhaca Shilinka
    13:08 Lacagta iyo madax-bannaanida dhaqaale
    14:36 Doolarka iyo xasilloonida ganacsiga Soomaaliya
    16:04 Suuqa iyo isbeddelka sarifka
    17:31 Saameynta Doolarka ee dadka danyarta ah
    18:59 Doolarka iyo sicir-bararka gudaha
    20:27 Mobile Money iyo isbeddelka dhaqaalaha
    21:54 Sidee Mobile Money u fududeeyey nolosha?
    23:22 Shirkadaha Mobile Money-ga iyo kalsoonida bulshada
    24:49 Lacagta digital-ka ah iyo isticmaalka maalinlaha ah
    26:17 Shilin cusub ma lagu shaqeyn karaa?
    27:45 Kalsoonida bulshada iyo lacag cusub
    29:12 Doorka dowladda ee soo celinta lacagta
    30:40 Maxaa loo baahan yahay ka hor Shilin cusub?
    32:07 Bangiga Dhexe iyo awooddiisa dhaqaale
    33:35 Kormeerka bangiyada iyo nidaamka maaliyadeed
    35:02 Lacag daabacid ma ku filan tahay?
    36:30 Bangiga Dhexe iyo shaqooyinka casriga ah
    37:57 Commercial banks iyo Central Bank
    39:26 Qiimaha lacagta iyo tartanka ganacsiga
    40:54 Immisa Shilin ayaa Soomaaliya u baahan kartaa?
    42:22 Tallaabooyinka lagu soo celin karo Shilinka
    43:49 Financial infrastructure-ka Soomaaliya
    45:17 Doolarka iyo siyaasadda dhaqaalaha dowladda
    46:45 Canshuuraha, Mobile Money iyo maamulka dowladda
    48:12 National Transformation Plan iyo lacagta dalka
    49:40 Dhaqaalaha dunida iyo saameynta isbeddellada
    51:08 Sicir-bararka iyo qiima-dhaca lacagta
    52:35 Sicir-barar xad-dhaaf ah maxaa keena?
    54:03 Talooyinka dowladda iyo ganacsatada
    55:31 Muwaadinimada iyo soo celinta lacagta dalka
    56:58 Gunaanad: Bangiga Dhexe iyo caqabadaha harsan

    59 min
  • S1 E2: Yaa Iska Leh New Muqdisho? Mashruuca Muqdishada Cusub.

    Yaa iska leh New Muqdisho? Maxuu yahay Mashruuca Muqdishada Cusub? Sidee ayuu u shaqeyn doonaa maalgelintiisu, maxaase doorka Bangiyada Soomaaliya ku jira?
    Qeybtaan Irmaan Podcast, waxaan ku wareysaneynaa Abdirahmaan Ali, oo si faahfaahsan uga hadlay fikradda New Muqdisho, xaaladda Bangiyada Soomaaliya, Mobile Money, maalgelinta mashaariicda, caqabadaha dhismaha, shaqo la’aanta dhalinyarada, iyo sida mashruucan uu qeyb uga noqon karo isbeddel dhaqaale iyo mid magaalo oo ka dhaca Soomaaliya.
    Wareysigan wuxuu sidoo kale iftiiminayaa su’aalo muhiim ah oo ay dad badan is weydiinayaan:
    Yaa iska leh New Muqdisho?
    Sidee loo maalgelinayaa?
    Imisa ayuu yahay halka share?
    Maxaa caqabad ku noqon kara mashruuca?
    Bangiyada Soomaaliya heerkee ayay maanta marayaan?
    Mobile Money faa’iido ma yahay mise caqabad?
    Mashruucan ma abuuri karaa shaqooyin cusub?
    Daawo wareysiga oo dhan si aad u fahanto fursadaha, caqabadaha iyo mustaqbalka Mashruuca Muqdishada Cusub.
    Timecodes
    00:00 Hordhac
    02:00 Taariikhda Abdirahmaan Ali
    03:15 Xaalka Bangiyada Soomaaliya
    10:15 Heerka Bank-yada Soomaaliya halkee ayuu marayaa?
    14:38 Mobile Money: dhibaato miyaa mise faa’iido?
    25:15 Maxaa keena in lacagta cash-ka la isticmaalo?
    30:27 Maalgelinta Bank-yada ee mashaariicda
    36:02 Maxaa waaye fikradda New Muqdisho?
    49:44 Yaa la tartamaya New Muqdisho?
    53:03 Sidee ayay u kala horeeyaan dhismaha mashaariicda?
    1:02:00 Xalka iyo caqabadaha maalgelinta isbeddelka cimilada
    1:13:34 New Muqdisho iyo xalka shaqo la’aanta Soomaaliya
    1:24:40 Farqiga lacagta dhismaha iyo faa’iidada
    1:32:04 Imisa waaye halka share? Iyo maalgelinta
    1:45:57 Caqabadaha Mashruuca New Muqdisho
    1:57:07 Maxay ka baqaan dadka Soomaaliyeed?
    2:02:55 Maxaa iska beddelay filashada fikraddiisa?
    2:06:13 Gabagabo


    2 hr 10 min
  • S1 E1: Aas-aasihii Caymiska Soomaaliya: Qisada Maxamed Takaful | Irmaan Podcast

    Xalqadan Irmaan Podcast, waxaan ku martigelinay Maxamed Cabdi Maxamed “M.Takaful”, oo ka mid ah dadka ugu horreeyay ee dadaal weyn ku bixiyay hirgelinta iyo fahamsiinta fikradda caymiska Soomaaliya.

    Maxamed Takaful wuxuu ka sheekeynayaa safarkiisa shaqo iyo ganacsi, laga soo bilaabo ganacsigii dahabka iyo dharka, maqaayad uu ka bilaabay nolol ganacsi, ilaa fikirkii caymiska oo markii hore la kulmay caqabado badan balse markii dambe dib loo bilaabay.

    Wareysigan wuxuu si qoto dheer uga hadlayaa sida ay ku timid fikradda caymiska, sababihii fashiliyay bilowgii hore, dib-u-dhiska fikradda, sameynta sharciga caymiska dalka, iyo caqabadihii sharci, bulsho iyo ganacsi ee hortaagnaa in caymis rasmi ah ka hanaqaado Soomaaliya.

    Xalqaddu waxay sidoo kale taabaneysaa xiriirkii uu la yeeshay shirkaddii ugu horreysay, sameynta sharciga Islaamiga ah ee caymiska Soomaaliya, iyo waqtiyadii adkaa ee shirkadda soo martay.

    Daawo wareysi xiiso leh oo ku saabsan ganacsi, hal-abuur, caymis, sharci, adkeysi iyo mustaqbalka adeegyada maaliyadeed ee Soomaaliya.

    Chapters / Timestamps

    00:00 Hordhac
    02:16 Taariikh nololeedkiisa shaqo iyo ganacsi
    12:40 Ganacsigii dahabka iyo dharka
    15:01 Ganacsigii maqaayadda ee laga soo beddelay pop-ka
    18:30 Maxay ku timid fikradda caymiska?
    22:20 Bilowgii fikradda caymiska maxaa fashiliyay?
    24:05 Dib-u-bilowgii fikradda caymiska
    28:33 Bilowga sharciga caymiska dalka
    33:50 Shirkaddii ugu horreysay ee uu xiriir la yeeshay
    43:46 Sameynta sharciga Islaamiga ah ee caymiska Soomaaliya
    52:17 Caqabadihii sharciga caymiska hortaagnaa sanadaha badan
    59:09 Waqtiyadii adkaa ee shirkaddu soo martay
    1:05:58 Fariinta Caymiska Maxamed M.Takaful
    1:12:51 Qaaraanka iyo caymiska
    1:14:45 Gabagabo

    1 hr 23 min

About Irmaan

From the publisher's feed

rmaan Podcast by Dawan Media is a business and entrepreneurship show spotlighting the builders, innovators, founders, and CEOs shaping Somalia’s economic future.