Hawraarsan Podcast

Sheekada guusha ee Hidaayo Mursal


Listen Later

Hidaya Mursal Cabdirixmaan waa gabar dhalinyaro ah oo ku nool magaalada Muqdisho, waa ardayad wax ka barata mid kamid ah jaamacadaha dalka waxa ayna si mug leh uga shaqaysaa arrimaha bulshada.
Sanadkii 2014 kii, Hidaayo waxa ay asaastay dugsi ay si lacag la'aan ah wax uga barteen carruur soomaaliyeed oo tiradoodu kor udhaaftay 400 oo isugu jiray wiilal iyo gabdho.
Dhowr iskuday oo ay ku fashilantay kadib, Hidaayo waxa ay sanadkii tagey ee 2020 ku guuleysatay in ay dhidibada utaagto shirkad dalxiis oo lagu magacaabo Seebeyond Somalia.
Xalqaddan Hidaayo waxa ay kaga sheekaynaysaa nolosheedii hore, shaqooyinka ay qabato shirkadda Seebeyond Somalia iyo qaabkii ay u asaastay, sidoo kale waxa ay si guud uga warrami doontaa doorka ay dhalinyarada Soomaaliyeed ka qaataan ganacsiga ka jira dalkeena. #HawraarsanPodcast
...more
View all episodesView all episodes
Download on the App Store

Hawraarsan PodcastBy Ismail Salad Hajji Dirir