"Geeridu ma ahan wax jira" waa hadalka ugu caansan ee laga hayo Dr Nawal El Sadawi oo 21-kii bishan March ee sanadka 2021 ku geeriyootay cusbitaal ku yaal magaalada Qaahira ee dalka Masar.
Maadaama aan maalmahan dambe baraha bulshada ku arkayay gabdho soomaaliyeed oo ka tacsiyaynaya geerida islaantan, waxaan jeclaystay in aan xalqaddan gaarka ah idin kula wadaago taariikh nololeedkeedii oo kooban si aynu bal u ogaano qofka runta ah oo ay ahayd.