Abdijaliil Show

Abdijaliil Show

By Abdijaliil OsmanTechnology
Download on the App Store

Abdijaliil Show episodes

  • Libaan Tahliil Aas-Aasaha Sabiib Somali Restaurant.

    Libaan Tahliil Aas-Aasaha Sabiib Somali Restaurant.


    Liibaan waa ganacsade aan jaamacad dhigan, balse 20 sano ku soo jiray ganacsiyo kala duwan — laga bilaabo iibinta taleefannada gacanta ilaa uu maanta noqday mid ka mid ah aas-aasayaasha maqaayadda caanka ah ee Sabiib.Sheekada dhabta ah ee nolosha Liibaan — laga bilaabo dhalinyaranimadiisii ilaa heerka ganacsiga uu maanta joogo.~ Casharro ku saabsan sida ganacsi loo bilaabo adigoon haysan Shahaado jaamacad ama maalgelin weyn.~ Sida uu u dhisay kalsooni, shaqaale wanaagsan iyo adeeg tayo sare leh.~ Caqabadihii iyo guulihii uu la kulmay intii uu dhisayay Sabiib.~ Qibradiisa iibinta (salesperson experience) iyo sirta ah sida wax loo iibiyo.Liibaan wuxuu yiri:“Markii aan bilaabay Sabiib, ma ahayn oo keliya maqaayad — waxay ahayd halgan aan doonayay inuu noqdo dhaxal ay Soomaalidu ku faanto.”Podcast-kan waa mid ka duwan dhammaan kuwii hore:Waa sheeko ku saabsan sabrid, halgan, iyo guul dhab ah.

    3 min
  • Abwaan Shube|42 Sano Guur & Jacayl Dhab ah, Dagaalkii 77 & Dhaxalkii Suugaanta Soomaaliyeed.

    Laba Saac oo Taariikh, suugaan, jacayl iyo waddaniyad ayaan idiin kaga hayaa Suugaanyahanka caanka ah ee Soomaaliyeed, Abwaan Cabdiqaadir Cabdi Shube.Barnaamijkan waxaad kaga bogan Doontaan:–Riwaayadihii waaweynaa ee Kooxdii Horseed– Qalanjo Qeybsami Weyday (1979)– If iyo Aakhiro– Saameyntii Dagaalkii 77-kii & sheekooyinkii isaga iyo Cali Samatar dhexmaray Heesaha hirgalay ee Abwaan Shube Maansooyin xul ah oo la xidhiidha dowladnimada iyo Dal Jaceylka Qisooyin Jacayl oo dhab ah– Guurkii Abwaan Shube & Marwadiisa Muxibo Cismaan.– Sida jacaylkoodu u bilowday 1983. 42 Sano kaddib Maxay tahay tallada uu siinaayo dhalinyarada iyo lammaanaha cusub?– Heesaha iyo Maansooyinkii uu u tiriyay xaaskiisa Fikir & Falsafad Nololeed– Sidee ayuu suugaan u curiyaa?– Goormay noloshu ku adkaatay?

    1 hr 57 min
  • Sirta Ganacsiga, Maamulka& Maaliyadda(Cashar Maaliyadeed) ~Muniir Ahmed

    Sirta Ganacsiga, Maamulka& Maaliyadda(Cashar Maaliyadeed) ~Muniir Ahmed


    Martida barnaamijka waa "Muniir Sheikh Ahmed" — Maamulaha guud ee BBS Mall, agaasimihii hore ee National Bank of Kenya, iyo khabiir ka soo shaqeeyay bangiyo iyo shirkado caalami ah sida Standard Chartered Bank, PwC, iyo xarumo dhaqaale oo ku kala yaal London, Johannesburg, iyo Nairobi.Mowduuca barnaamijka:Maamulka & Maaliyadda.Muniir waxaa uu ila wadaagay 27 sano oo khibrad ah gaar ahaan adduunka maaliyadda iyo maamulka.


    Waxaanu diiradda saarnay "7" qeybood oo qoto dheer:Qeybta 1: Safarka Nololeed & Hoggaaminta

    Qeybta 2: Hoggaaminta Casriga ah & Maamulka.

    Qeybta 3: Teknoolojiyada & Hal-abuurka

    Qeybta 4: Waayo-aragnimo & Casharro Nololeed

    Qeybta 5: Go’aan-qaadasho, Koox-dhisid & Anshax

    Qeybta 6: Geeska Afrika & Mustaqbalka Dhaqaalaha

    Qeybta 7: Talo & Dhiirrigelin

    3 hr 24 min
  • Fahamka Caalamka: Shiinaha, Ruushka & Isbeddelka Dunida — Awoodaha Hagaya Mustaqbalka Adduunka

    𝐅𝐚𝐡𝐚𝐦𝐤𝐚 𝐒𝐡𝐢𝐢𝐧𝐚𝐡𝐚 – 𝐆𝐞𝐨𝐩𝐨𝐥𝐢𝐭𝐢𝐜𝐬 & 𝐗𝐚𝐝𝐚𝐚𝐫𝐚𝐝 𝐚𝐡𝐚𝐚𝐧Taarikhda iyo xadaaradda Shiinaha si koobanSidee Shiinuhu uga soo baxay qarnigii dulaysiga una noqday awoodda labaad ee dunida?Waa maxay falsafadda ku qotonta xadaaradda Shiinaha?Doorka uu Shiinuhu ku leeyahay juquraafiga siyaasadeed ee dunida maanta𝐅𝐚𝐡𝐦𝐢𝐝𝐝𝐚 𝐆𝐞𝐨𝐩𝐨𝐥𝐢𝐭𝐢𝐜𝐬: 𝐑𝐮𝐮𝐬𝐡𝐤𝐚 𝐈𝐲𝐨 𝐑𝐞𝐞𝐫 𝐆𝐚𝐥𝐛𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚Taarikhda Ruushka si koobanMaxaa Ruushka mar walba kahor keena Reer Galbeedka?Maxaa sababay dagaalka Ruushka & Ukraine?Xidhiidhka Shiinaha iyo Ruushka.Sidee Putin u fekeraa?𝐈𝐬𝐛𝐚𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚 𝐃𝐮𝐧𝐢𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 Dunidu maanta halkee ku socotaa?Sidee ayay isbadalka dunidu inoogu saameysay doontaa?Arrinta Somaliland iyo ictiraafka Netanyahu: maxaa sababay, ujeeddadiisuna maxay tahay?Abraham Accords – maxaan ka naqaan?Somaliland ma heli doontaa ictiraaf caalami ah?Maxay Imaaraadku Qeyb ugu yihiin xasad walbo oo Gobalka ka taagan?Isbarbardhigga maamuladii kala duwanaa ee SoomaaliyaMaxaa ka dhexeeya Soomaalida iyo Yemen ee dagaalladu u wada saameeyaan?Mustaqbalka Soomaaliya 10-ka sano ee soo socda𝐆𝐮𝐧𝐚𝐚𝐧𝐚𝐝:Maxaa la gudboon jiilka maanta jooga dunidan isbeddelaysa?

    2 hr 13 min
  • Fahamka Caalamka: Yuhuudda, IDF & Sirdoonka Israel – Loollanka Qarsoon ee Turkiga

    Fahamka Caalamka – Indho Taariikh & Geopolitics.

    Mukhtar Xuseen Maxamed (Mukhtar Qoransay)— nin aan inta badan warbaahinta ka muuqan, balse si dhab ah looga yaqaan goobaha go’aamada waaweyn lagu gaaro.Waxa uu horay usoo noqday qorshe-dajiye (strategist) ka tirsan Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed (NISA), isaga oo ka mid ahaa 3-da qof ee ugu sarreeyay hay’addaas dhanka go’aan-qaadashada.Barnaamijkan aan ugu magac darnay “Fahamka Caalamka”, waxa uu si qoto dheer u eegnay taariikh, geopolitics, xadaarad iyo awood — si aan u fahamno waxa maanta dunida ka socda, iyo sida ay si toos ah inoogu saameyneyso Soomaali ahaan

    1 hr 56 min

About Abdijaliil Show

From the publisher's feed

I’m Abdijaliil Osman — a podcaster, independent video journalist, and storyteller.

Best of Abdijaliil Show

Ranked by our users in the last 21 days