Dowlad-Dhis Podcast

Dowlad-Dhis Podcast

By Heritage Institute for Policy StudiesSociety & CultureEducationGovernment
Download on the App Store

Dowlad-Dhis Podcast episodes

  • Dowlad-dhis Podcast | Xalqadda 7-aad: Doorka Waxbarashada ee Dowlad-dhiska

    Waxbarashadu waa tiir muhiim u ah dowlad-dhiska, horumarinta bulshada iyo dhismaha muwaadin leh aqoon, karti iyo masuuliyad. Haddaba, sidee ayay waxbarashadu uga qayb qaadan kartaa dowlad-dhis waara?

    Xalqadda 7-aad ee Dowlad-dhis Podcast waxay diiradda saaraysaa doorka waxbarashada ee dowlad-dhiska Soomaaliya. Waxaa marti ku ah Dr. Saciima Cabdullaahi, Guddoomiyaha Golaha Sare ee Machadka IRAD.

    Dooddu waxay ku bilaabanaysaa dulmar ku saabsan xaaladda guud ee nidaamka waxbarashada dalka, caqabadaha jira iyo horumarrada la sameeyey. Sidoo kale, waxaa si gaar ah loo falanqaynayaa helitaanka waxbarasho ee bulshooyinka nugul, gaar ahaan barakacayaasha iyo dadka ku nool deegaannada fogfog.

    Intaas waxaa dheer, xalqaddu waxay si qoto dheer u eegaysaa manhajka waxbarashada iyo kaalinta uu ku leeyahay soo-saarista muwaadin aqoon, karti iyo masuuliyad u leh horumarka dalka. Waxa kale oo laga hadlayaa doorka dowladda ee dhismaha, tayeynta iyo maamulidda nidaamka waxbarashada.

    Ugu dambayn, dooddu waxay soo bandhigaysaa talooyin iyo mudnaanta ugu muhiimsan ee u baahan in wax laga qabto si loo helo nidaam waxbarasho oo loo dhan yahay, tayo leh, kana qayb qaata dowlad-dhis waara.

    Daadihin: Dr. C/rashiid Ismaaciil, Agaasime Ku-xigeenka Machadka Heritage.

    Daawo xalqaddan si aad u fahamto xiriirka ka dhexeeya waxbarashada, muwaadinnimada iyo dowlad-dhiska Soomaaliya.

    #DowladDhisPodcast #HeritageInstitute #Education #StateBuilding #Somalia

    1 hr 3 min
  • Wadahadal Qaran & Dowlad-dhiska Soomaaliya | Dr. Afyare Cabdi Cilmi | Xalqadda 6-aad

    Xalqadadii 6-aad ee Dowlad-dhis Podcast waxaa Marti ku ah Dr. Afyare Cabdi Cilmi oo ah Barre Sarre oo ka tirsan Jaamacadda City university of Mogadishu ahna la taliye Sarre Machadka Heritage, Xalqadaan waxaa diirada lagu saarayaa Wadahadal Qaran & Xiriirka la leeyahay Dowlad-dhiska, ugu horeyn wuxuu sharaxaad ka bixinayaa mowduuca asagoo Ditoorka ku lifaaqayo Daraasad uu dhawaan Machadka & FBA wada sameeyeen. Waxaa lagu iftiimiyey noocyada wadahadalada ayadoo lagu tusaale bixinaayo sida Dowlad-dhiska Somaaliya u qabeeyeen si gaar ah Shirweynihii Nabadeynta ee Carta. Sidoo kale Xalqadaan waxaa tooshka lagu ifiyey marxaladihii uu soo maray dastuurka saameynta, Nidaamka Federaalka & Hab-dhaqanka Hogaamiyaasha ee ku Aadan Sareynta Sharciga & Dowladnimada. Waxaa intaas-dheer in xalqadaan lagu lafo-guray Kiiska Somali-land ayadoo lala Aqrinaayo marxaladihii lasoo maray ka hor Xuriyada. ugu dambeyntii xalqadii waxaa lagu soo gunaanuday nuxurkii kasoo baxay daraasada oo ay ka mid tahay doorka ay siyaasiyiinta ka qaadanayaan wadahadal Qaran, doorka Beesha Caalamka, Kaalinta bulshada rayidka & Muwaadinkaba. 

    56 min
  • Xiriirka ka dhaxeeyo Dowlad-Dhiska & Amniga Qaranka | Dowlad-dhis Podcast #5

    Xalqadii 5-aad ee Dowlad-dhis Podcast waxey ku saabsan tahay xiriirka ka dhaxeeyo dowlad-dhiska iyo Amniga Qaranka Waxaa Marti ku ah Xuseen Sheekh Cali  oo ah Gudoomiyaha Machadka Saldhig, isla Markaana labo jeer soo noqday lataliyaha Amniga Qaranka. ugu horeyn Wuxuu Sharaxaad ka bixin dona Mowduuca, Xaladihii uu soo maray dalka ee burburkii dowlada & dib usoo yagleelidii Jamhuuriyada Seddexaad, Caqabadaha heysto dowlad dhiska Somaaliya & khataraha Amniga. 

    Sidoo kale Xalqadaan waxaa lagu  Iftiimin donaa Aragtida Hogaanka dalka ka heystaan Habka la isku heleysiinaayo dowladnimada & Amniga Qaranka.
    Waxaa intaas dheer Xalqadaan lagu lafaguray Saameynta Somaaliya ku yeelan karto Xasillooni darada Juqraafi siyaasadeed ee ka Jirta gobolka gacanka,  Badda Cas iyo geeska Afrika. 
    Gabagabadii Qorshooyinka bixitaanka Ciidamada Midowga Afrika iyo taageerada dibadeed ee Soomaaliya lagu Kabaayey dowlad-dhiska & Amnigaba , Xalqadaan waxaa lagu soo gunaanuday doorka uu qaadanaayo Muwaadinka Soomaaliyeed. 
    Xalaqadaan waxaa daadahinaayo Dr. C/rashiid Ismaaciil oo ah Agaasime Ku Xigeenka Machadka Heritage.

    1 hr 25 min
  • Xalqadda 4-aad | Isbeddelka Cimilada & Saameynta ay ku leedahay Soomaaliya

    Podcastiga Dawlad-dhis – Xalqada 5aad

    Xalqada shanaad ee Dawlad-dhis waxay diiradda saareysaa mid ka mid ah caqabadaha ee waaweyn ee xiligan: Isbedelka cimilada iyo saamaynta ay ku leedahay Soomaaliya.

    🎤 Marti: Dr. Abdullahi Khalif, Fududeeyaha Shirweynaha Qaran ee Deegaanka iyo Isbeddelka Cimiladda
    🎤 Marti: Mr. Liban Obsiye, Agaasiamah Guud, Sanduuqa Qaran ee Cimilada, JFS
    Dooddu waxay iftiimineysaa sidii si cilmi ah loogu fahmi lahaa isbedelka cimilada, heerka baraaruga mujtamaca Soomaaliga ee isbedelka cimilada, iyo xaqiiqooyinka ku gadaaman heerka la qabsi ee bulshada reer guuraaga ah ee isbedelka cimilada. Xalqadani waxay kaloo eegeysaa heshiisyada caalamiga ah, iyo sida ay dunidu uga jawaabeyso dedaalada yareynta iyo laqabsiga isbedelka cimilada.
    🎙️ Martigeliye: Dr. Abdirashid Ismail, Agaasime Xigeen, Machadka Deraasaadka Siyaasadda ee Heritage (HIPS)

    1 hr 36 min
  • Xalqadda 2-aad | Sidee Loo Hormarin Karaa Nidaamka Caafimaadka Soomaaliya?

    Xalqadda 2-aad ee podcast-ka Dowlad-dhis ayaa Agaasime Ku-xigeenka Machadka Heritage, Dr. Cabbdirashid Ismaaciil, ku waraysanaaya Prof. Maye Cumar oo ka tirsan Jaamacadda Leeds, isla markaana leh in ka badan 40 sano oo waayo-aragnimo ah dhanka nidaamyada caafimaadka iyo maamulka caafimaadka dadweynaha.

    Prof. Maye wuxuu si qoto dheer u falanqeeyey warbixintii ugu dambeysay ee Machadka Heritage uu daabacay, taas oo cinwaankeedu ahaa “Adkaynta Hannaanka Caafimaadka Soomaaliya," isla markaana uu isagu hoggaamiyey.

    Sidoo kale, Prof. Maye Cumar wuxuu wareysigan kaga hadlay waayo-aragnimadiisa ballaaran ee ku saabsan ka shaqaynta nidaamyada caafimaadka dalal kala duwan.

    📖 Halkaan ka Akhri warbixinta. 👉

    Somali: https://bit.ly/4prProz

    English: https://bit.ly/44rgbgI

    Arabic: https://bit.ly/3LVsADs

    56 min
  • Xalqadda 3-aad | Xoojinta Ka Qaybgalka Siyaasadeed ee Dhallinyarada Muqdisho
    Taxanaha saddexaad waxaa lagu falanqaynayaa kaalinta dhallinyarada Muqdisho ee ka qaybgalka siyaasadeed iyo siyaabaha lagu xoojin karo doorkooda. Barnaamijkani wuxuu daba socdaa daraasad hore oo laga sameeyay mowduucaan, iyo sidoo kale tababar loo qabtay in ka badan 60 dhallinyaro ah, kuwaas oo lagu baray hoggaaminta, abaabulka bulshada, iyo u ololeynta arrimaha dadweynaha.
    40 min
  • Xalqadda 1-aad | Dowlad-dhis Podcast RW Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre
    Kusoo dhawaada Dowlad-dhis Podcast uu Xalqadiisa kowaad uu noo daah-furay Ra'iisul wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyada federaalka Somaaliya mudane Xamsa Cabdi Barre.
     
    wareysiga oo ku bilaabmay dib u milicsiga seddex sano guraada Xukuumada qorshayaashii ay la timid waxyaabaha ka qabsoomay & arrimaha ku fashilntay : sida Amniga, Arrimaha federaalka,dhaqaalaha, dowlad wanaaga, Siyaasada arrimaha dibada.
     
    Mudane Xamse ayaa miiska soo saaray aragtida Xukuumada ee la xariirto dhameystirka dastuurka, qabsoomida doorasho qof & Cod ah & hormada laga sameeyey dib u xoreynta dalka, Khilaafka dowlad dhexe Puntland,Jubaland & Maqaamka Banaadir.
     
    intaas waxaa dheer in tooshka lagu iftiimiyey khatarta ay wajaheyso dowladnimada Somaaliya ayadoo maanka lagu haayo hardanka siyaasiinta, labo u kacleynta kooxaha argagaxisada, hubinti la'aanta dhaqaale ay wajahaan Howlgalka Midowga Afrika ee Somaaliya.
     
    Ugu dambeyn Ra'isuul wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay iney ka go'an tahay xalinta walaaca jiro ayadoo lagu wada wajaahayo si loo dhan yahay dhamaan folaadka siyaasada ee dalka.
     
    Fadlaan Podcast dhameystiran halkaan ka daawo lana wadaag asxaabta.
    50 min

About Dowlad-Dhis Podcast

From the publisher's feed

Exploring how current issues impact the process of state-building in Somalia. This program will connect everyday challenges and opportunities to the broader goal of building effective governance and…