Maamul Wanaag

Maareynta Doorashooyinka Soomaaliya iyo Caqabadaha Ku Xeeran


Listen Later

Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku jirtaa sanadkii afaraad. Geeddi-socodka doorashooyinka & dib-u-eegista dastuurka weli waa qabyo. Hannaanka doorashada waxa aanan qeyb ka ahayn siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxweynayaal & raysal wasaarayaal hore. 

Raysal Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid waxa uu kamid ahaa afar siyaasi oo ka tirsanaa Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo heshiis siyaasadeed la galay hoggaanka dowladda federaalka 25-kii August ee sanadkan. Hadda waa hoggaamiyaha urur siyaasadeed 6-dii September la diiwaangeliyay oo qorsheynaya in uu ka qeyb galo doorashooyinka dowladaha hoose ee la qorsheynayo in ay dhawaan qabsoomaan.

Qeybtan 61-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo Raysal Wasaare soo noqday labo jeer, sidoo kalena sanadkii 2017 ahaa musharrax Madaxweyne, waxa ay isla gorfeynayaan maareynta doorashooyinka Soomaaliya iyo caqabadaha ku xeeran.

Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

· Email us at [email protected]

Thanks for listening!

...more
View all episodesView all episodes
Download on the App Store

Maamul WanaagBy Somali Public Agenda


More shows like Maamul Wanaag

View all
Kabasho by Hamda Hussein

Kabasho

205 Listeners