Madari Podcast

Madari Podcast

Download on the App Store

Madari Podcast episodes

  • MARKA ARAGGU DACIIFO || MADARI PODCAST ||


    Sidee ayaynu u daryeeli karnaa caafimaadka indhaheenna? Episode Madari Podcast, Dr. Shiine waxaynu kaga wada hadlaynaa xaaladda caafimaadka indhaha, caqabadaha bulshada haysta iyo saamaynta isticmaalka moobilka iyo shaashadaha, gaar ahaan habeenkii iyo waqtiyada saamalaylka.

    Waxaynu sidoo kale taabanaynaa daryeelka indhaha, isbeddellada mustaqbalka laga filayo dhinaca aragga iyo waayo-aragnimooyin uu Dr. Shiine kala kulmay shaqadiisa iyo u adeegidda bulshada.

    Support the show

    53 min
  • DEEQDA IYO WAX-ISASIINTA SOMALIDA || MADARI PODCAST ||

    Sidee ayay Soomaalidu isu kaalmayn jirtay? Episode Madari Podcast, Maxamed Cali Muxumed waxaynu kaga wada hadlaynaa wax-isa-siinta Soomaalida, magacyadeeda iyo kaalintii ay ku lahayd xidhiidhka qoyska, qaraabada, deriska iyo bulshada.

    Waxaynu eegaynaa dhaqammo ay ka mid yihiin xuddun-xidh, yabadh, dhibaad, yarad, gabbaati, kaalo, maalsiin, qaadhaan iyo marti-soor; sababihii loo samayn jiray iyo macnaha bulsheed ee ka dambeeyay. Waxa kale oo aynu isweydiinaynaa waxa maanta ka sii jira hiddahaas iyo waxa iska beddelay habkii Soomaalidu isu garab istaagi jirtay.

    Qodobbada Episode

    00:00 — Hordhac
    02:29 — Mawduuca qaybta: Wax-isa-siinta Soomaalida
    11:19 — Shanta tiir ee dhaqanka Soomaalidu ku tiirsan yahay
    39:22 — Wax-siinta qaraabada fog
    1:09:20 — Qisadii ninkii dilaaga martigeliyay ee dilay

    Support the show

    1 hr 28 min
  • MAAL-GASHO MUSTAQBALKAAGA || MADARI PODCAST ||

    Maxay ka dhigan tahay inaad naftaada maalgeliso? Qaybtan Madari Podcast, Prof. Mubaarak Aar waxaynu kaga wada hadlaynaa barashada aqoonta iyo xirfadaha, ilaalinta waqtiga, kobcinta fikirka iyo saamaynta dadka iyo deegaanka aynu ku dhex nool nahay.

    Waxaynu sidoo kale taabanaynaa caqabadaha dhallinyarada hortaagan iyo sida tallaabooyinka yaryar ee maanta la qaadaa uga qayb qaadan karaan dhismaha mustaqbalka.

    Qodobbada qaybta:

    00:00 — Hordhac
    05:01 — Sidee nafta loo maalgeliyaa?
    10:51 — Maalgelinta waxbarashada
    19:22 — Waxbarashada rasmiga ah iyo dammaanadda nolosha
    30:27 — Xirfadaha muhiimka ah
    37:40 — Maalgelinta waqtiga
    40:00 — Afarta shay ee noloshaada beddeli kara
    44:05 — Buugga «Sida loo yidhaahdo Maya»
    51:15 — Maalgelinta fikirka
    1:03:40 — Saamaynta deegaanka
    1:11:05 — Caqabadaha jira
    1:18:25 — Maalgelintii ugu weynayd
    1:23:19 — Dib ugu noqo labaatan jirkaagii
    1:26:04 — Dardaaran qiimo badan

    Support the show

    1 hr 29 min
  • SIDEE AYAYNU HAMIGEENNA U RUMAYN KARNAA? || MADARI PODCAT ||

    Sidee ayaynu hamigeenna ugu beddeli karnaa waxqabad joogto ah? Qaybtan Madari Podcast, Ali Jama waxaynu kaga wada hadlaynaa farqiga u dhexeeya aqoonta iyo ficilka, go’aan qaadashada, cabsida fashilka iyo sababaha aynu u joojinno hawlaha marka xiisuhu yaraado. Waxa kale oo aynu taabanaynaa waayo-aragnimadiisa, masuuliyadda nafta, maaraynta waqtiga iyo joogtaynta tallaabooyinka yaryar.

    Qodobbada Episode

    04:09 — Waayo-aragnimada qurbaha
    08:40 — Buugga Furayaasha Nolosha
    13:28 — Ayeeyday ayaa i soo korisay
    17:00 — Go’aan qaadashada
    24:27 — Farqiga aqoonta iyo ficilka
    38:41 — Goorma ayay aqoontu wax beddeshaa?
    46:26 — Labada awoodood ee maskaxdeenna
    51:52 — Noloshu ma leedahay meel la gaadho?
    58:31 — Masuuliyadda naftaada
    1:00:33 — Qofnimada iyo waxa aad naftaada ka aaminsan tahay
    1:10:30 — Cabsida iyo waxa aynu filanno inay dhacaan
    1:24:45 — Bilaabidda adigoon sugayn dhammaystirnaan
    1:29:15 — Joogtaynta marka xiisuhu dhammaado
    1:35:24 — Waqtiga iyo diiradda
    1:50:01 — Afarta xidhiidh ee nolosha iyo joogtayntooda

    Support the show

    1 hr 57 min
  • QUR’AANKA IYO NOLOSHA CASRIGA AH || MADARI PODCAST ||

    Sheekh Cabdirashiid ayaa ka warramaya barashadiisii Qur’aanka, kaalintii waalidkii iyo qoyskiisa, iyo caqabadihii uu soo maray. Waxaan sidoo kale ka wada hadlaynaa tarbiyada Qur’aanka, farriintiisa dhallinyarada, iyo kaalinta akhriskiisa iyo xuska Ilaahay ku leeyihiin degganaanta nafta iyo la tacaalidda walbahaarka.

    Qodobbada Episode:

    01:18 — Sheekh Cabdirashiid sidee ayuu Qur’aanka ku bartay?
    06:40 — Barashada Qur’aanka waagii hore
    21:32 — Aayadaha sida gaarka ah u saameeya sheekha
    26:11 — Sidee Qur’aanku nafta u tarbiyeeyaa?
    36:41 — Qur’aanka iyo dhallinyarada
    49:21 — Qur’aanka iyo la tacaalidda walbahaarka

    Support the show

    1 hr 3 min

About Madari Podcast

From the publisher's feed

Madari wuxuu martidiisa kala sheekaysta aqoontooda, waayo-aragnimadooda iyo arrimaha bulshada ee kala duwan, Waa wada sheekaysi af-Soomaali ku baxa oo lagu wadaago fikrado iyo casharro laga bartay…