Muxaadaradan oo ka mid ah shaqooyinka Avalites Foundation waxa uu Ayaanle Hoorri ka jeediayay xarunta gobolka Awdal ee Boorama.
Waxa uu awoodda saaray Ayaanle, gorfayntana ku Iftiimiyay:
- Sidee baynu ula falgali karnaa gabay-jacburka Dhoodaan,
- Muxuu se inooga bildhaamin karaa magaaloobiddii Soomaalida tobanlayaashii dambe ee qarnigii labaatannaad?
- Hannaanka gabay-jacburku (style) se ma noqon karaa alban aynu ka daawan karno waayihii jiray xilligaas?
- Albaynaynta gabay jacburka maxaa ku jabay?
- Ugu dambayn, maxay ka dhigan tahay in aynu ‘dhaxalno’, xilligan, gabay-jacburka Dhoodaan?
Dhagaysi wacan.