Waaxda Caafimaadka Bulshada ee Iowa ayaa soo warisay inaysan jirin dhimasho cusub sababo la xiriira dhibaatooyinka COVID-19. Waxaa jiray 146 kiis oo cusub oo ay kujiraan afar kiis oo cusub oo kajira Degmada Woodbury mudo 24-saac ah. Qof "xiriir la leh" Golaha Guurtida Iowa ayaa laga helay baaritaanka cudurka 'coronavirus'. Tani waa tijaabadii sagaalaad ee togan oo si guud loo soo sheegay tan iyo markii kalfadhigii sharci dejinta uu biloowday Janaayo. Maaskarada looma baahna Aqalka Gobolka Iowa.