Sign up to save your podcastsEmail addressPasswordRegisterOrContinue with GoogleAlready have an account? Log in here.
Hab Fikirka Tarmuuska waa podcast diiradda saaraya qoraalka ✍️ iyo sidii loogu adeegsan lahaa kobcinta shakhsiyadda, fahamka fikradaha 🧠, iyo horumarinta hab-fikirka. Halkan waxaad ka heli doontaa:... more
FAQs about Hab Fikirka Tarmuuska:How many episodes does Hab Fikirka Tarmuuska have?The podcast currently has 83 episodes available.
January 08, 2026SE04ep12: Waxaad Rumaysato Ayaad Noqotaa 🧠✨ Bismilaah;Qaybtan waxaan ku eegaynaa saddex sheeko oo muujinaya awoodda rumaysadka (beliefs) 🧠 sida waxa aad aaminsan tahay ay run ay u noqdaan. Waxaan sidoo kale ka hadli doonaa sida rumaysad kastaa u yahay sheeko la barto oo qofku isu sheego 📖, isla markaana ay tahay mid la beddeli karo 🌱✨....more13minPlay
December 25, 2025SE04ep11: Yaysan Kuu Raacin 2026 Caadooyinkii Ku Dilay 2025! Bismilaah;Duug dhammaan caadooyinkii ku dilay 2025.Ha u ogolaan inay kuu raacaan 2026.Hadda go’aanso qofka aad noqonayso, ka hor inta uu sannadku bilaaban. ...more19minPlay
December 18, 2025SE04ep10: Maxay Noogu Adagtahay inaan dhahno "Waan ku jeclahay?" with Abdullahi | Dhugatayee, Maxaad Dhigi! Bismilaah;Qaybtan waxaan la sheekaystay Cabdullaahi oo nagala soo hadlaya dalkii hooyo, gaar ahaan Muqdisho. Wada sheekaysigeennu wuxuu iftiin saarayaa dhaqankeena Soomaaliyeed, waxa mudan in jiilasha loo sii gudbiyo, iyo waxa u baahan in si geesinimo leh looga tago.Dhagaysi Wacan! ...more43minPlay
December 11, 2025SE04ep9: 5-ta Nooc ee Kalsoonida, Midkee ayaa xoojin kaaga baahan? | Dhugatayee Maxaad Dhigi! Bismilaah;Qaybtan waxaan ku sharaxayaa 5-ta nooc ee kalsoonida si aan nafteena u baranno 😄💪. Maxay kala yihiin, sideese ku garan kartaa kuwa aad ku xooggan tahay iyo kuwa u baahan in la xoojiyo? 🌱✨Halkan ka dhagayso! ...more36minPlay
December 04, 2025SE04ep8: The Final 5 Weeks oo Go’aamiya Guusha Sannadka! Bismilaah; Shanta isbuuc ee ugu danbaysa sanadka waxay la yimaadaan labo dareen midood. Culays ama Farxad iyo rayn rayn. Suaal marka: Keebaad adigu hadda dareemaysaa? Sideese dareenkaa uga dhigi kartaa mid ku anfaco sanadka bilaabmaya? Haduu Alle yiraah. Ku dhamee saadka xayinimadii aad ku bilawday;Sidoo kale dhagayso xalqadii sannadkii 2024, ee Peak.end rule. "waa-maxay-faa-iidada-peak-end-rule-sida-loo-abuuro-dhammaad-guul-iyo-xusuus-leh-2024"Dhagaysi Wacan! ...more17minPlay
November 20, 2025SE04EP7: Kan ilaasho, Kana Tuur! With Fadumo Hasan | Dhugatayee Maxaad Dhigi! Bisilaah;Qaybtan waxaan la fariistay Jacayl badan u haya dhaqanka Soomaaliyeed. Wada sheekaysigeennu wuxuu iftiiminayaa laba arrimood: 1) Hal dhaqan oo aynu jeclaan lahayn inuu sii noolaado.2) Iyo hal dhaqan oo aynnu rajaynayno inuu halkan ku joogsado. Martiduna waa qofkii ila wadaagay Podcast-gii ugu horeeyay ee somali ku baxa oon dhagaysto muddo 6-7 sanno laga joogo. Sidoo kalena ka danbaysay, in uu Hab Fikirka Tarmuuska Soomali ku baxo. Marka dhagaysi wacan! ...more37minPlay
November 13, 2025SE04EP6: Sidee Awoodda Looga Qaadaa Fikirka Xun? 🧠✨ | Dhugatayee Maxaad dhigi!Fikir dib kuula haraya maa ku daaliyay? 🤔Qaybtan cusub waxaan kaga hadlaynaa 3 qaab oo aad awoodda ugaga soo ceshan karto fikirka xun (Negative) 💫Qalinkaga, codkaaga, iyo qof aad ku kalsoon tahay ayaa noqon kara furaha xorriyadda maskaxda. 🖊️🎙️🫶🏽Dhagayso si aad u barato sida aad ugu beddeli karto fikir xun mid ku dhisa. 🌱 ...more45minPlay
November 06, 2025SE04EP5: Naftaada Baro, Ka Billow Fikirkaaga 💭 Qaybtii Kowaad | Dhugataye Maxaad Dhigi? Bismilaah;Inta ugu badan waxaan maqalnaa “Naftaada baro,” balse xaggee laga bilaabaa? Qaybtan waxaan aad u dhex jeexaynaa badweynta aqoonta nafta qayb ta ugu mudan oo ah fikirkaaga, codadka gudaha ee kuu sheegaya cidda aad tahay, iyo sida maskaxdaadu u qaabayso Hab Fikirkaaga iyo noloshaada. 🎧💭 ...more33minPlay
October 30, 2025SE04EP4: Naftayda oon jeclaado, ma danaysi baa? 💞 | Dhugatayee Maxaad Dhigi Bismilaah;Markaan maqallo “Naf jaceyl” waxaan waagii hore u aaminsanaa inuu yahay kibir iyo kelinimo. Laakiin maanta waxan ogaaday inuu yahay bilowga ISBEDEL Ka 💫Qaybtan waxaan ku falanqeynayaa mawduuca Naf jaceylka iyo sababta uu muhiim ugu yahay qof walba. 💭 ...more22minPlay
October 23, 2025SE04EP3: 🎙️ Naftaada Ma Jeceshahay? Haa, Hadaba fadhiga Ka Kac! | Dhugatayee Maxaad Dhigi Bismilaah;Mararka qaar fadhigu waa nasasho,laakiin haddii uu bato oo dheeraado, wuxuu dhalaa wax layiraahdo shalayso oo hadhoow nagu noqda bahal si arxan daro ah noo cuna. ⏳Dhageyso qaybtaan si aad u ogaatid sababta ay dhaqaaqidu muhiim u tahay 💫 ...more30minPlay
FAQs about Hab Fikirka Tarmuuska:How many episodes does Hab Fikirka Tarmuuska have?The podcast currently has 83 episodes available.