
Sign up to save your podcasts
Or


Sanadkii 2021, Puntland waxaa ka dhacay doorashooyin dowladaha hoose oo ka qabsoontay 3 degmo. Waxa ay ahayd markii ugu horreysay oo ay doorasho heer degmo ah ka dhacdo Puntland. Qorshihii ahaa in doorashada laga qabto degmooyinka haray dib ayuu u dhacay. Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ahaa musharrax madaxweyne doorashadii madaxweynaha dalka ee dhacday bishii May ee sanadkii hore. Muddo xileedka madaxweynaha oo 5 sano ah ayaa ay hal sano ka harsan tahay.
Podcast-gan waxa ay Mahad Waasuge iyo Feysal Qaran oo ah madaxii hore ee Dallada Bulshada Rayidka ee Puntland ku falanqeynayaan doorashooyinka heer degmo iyo heer dowlad-goboleed ee Puntland, dadaallada socda, caqabadaha iyo xalka.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii Ogosto 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa la dhisay balse maqaamka caasimadda weli lama caddeynin.
Qodobka 9-aad ee dastuurka ayaa sheegaya in arrinta maqaamka caasimadda lagu xallin doono xeer baarlamaan, balse 10 sano kadib, baarlamaanka horumar weyn kama sameynin arrinkan. Maqaamka Muqdisho waxa ay kamid tahay arrimaha taagan oo dib u dhigaya qabya-tirka dastuurka iyo dhameystirka qaab-dhismeedka federaalka.
Dhawaan Somali Dialogue Platform iyo Somali Public Agenda waxa ay wada daabaceen faallo qoto-dheer ee uu cinwaankeedu yahay ‘Xulashooyinka lagu xallin karo maqaamka Muqdisho’. Faallada waxa ay soo bandhigtay saddex xulasho oo midkood lagu xalin karo maqaamka Muqdisho.
Podcast-gan oo aan iska kaashaneyno Somali Dialogue Platform waxaa lagu falanqeynayaa nuxurka warbixinta iyo qaababka kala duwan ee loo qeexi karo maqaamka caasimadda. Waxaa marti ku ah Cismaan Muxudiin Macallin (Shaatax) oo madax u ah dallada ururrada bulshada rayidka ee SONSA iyo Iimaan Nuur Iikar oo horey usoo noqday guddoomiye kuxigeenka gobolka Benaadir.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Soomaaliya markii ugu horreysay waxa ay nidaam federaaal si kumeelgaa ah u qaadatay sanadkii 2004. Madaxweynihii ugu horreeyay ee Puntland oo la dhisay sanadkii 1998 ayaa noqday madaxweynihii dowladdii federaalka kumeelgaarka ee lagu dhisay Kenya sanadkii 2004. Kadib sanado badan oo lagu howlanaa qoridda dastuur federaal ah, Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii August 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa la dhisay.
Balse arrimo muhiim u ah qabya-tirka dastuurka iyo dhameystirka qaab-dhismeedka federaalka ayaanan weli laga heshiinin oo ay kamid tahay sida awoodaha fulinta loogu qeybnayo heerarka kala duwan ee dowladda.
Dhawaan Somali Dialogue Platform iyo Somali Public Agenda waxa ay wada daabaceen faallo qoto-dheer ee uu cinwaankeedu yahay ‘Xulashooyinka awood qeybsi ee nidaamka federaalka Soomaaliya’. Faallada waxa ay soo bandhigtay saddex nooc oo awood qeybsiga loo nidaamin karo.
Podcast-gan waxa aan ku falanqeyneynaa nuxurka warbixinta iyo nooca awood qeybsi ee ku habboon Soomaaliya. Waxaa marti ku ah Maamul Wanaag Podcast Axmed Cabaas (Gacma-gaab) oo ah la taliyaha arrimaha federaalka ee madaxweyne Xasan Sheekh iyo Abukaate Cumar Maxamed Cabdulle (Dhagey) oo la taliye sare arrimaha talinta sharciga (rule of law) ee xafiiska Raysal Wasaaraha.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Somalia first formally adopted a federal model in 2004 with the establishment of the Transitional Federal Government. Since then, federalism has been deepened and clarified with the adoption of the Provisional Federal Constitution in 2012 and the subsequent formation of the country’s Federal Member States (FMS).
However, important parts of Somalia’s federal model remain undefined, including agreement on a model for fiscal federalism. This is a critical pillar of the federal architecture, as it ultimately defines the level of autonomy Federal Member States will have in relation to the Federal Government of Somalis (FGS). This makes the fiscal federalism model a contentious issue, with FMS seeking to maximize their autonomy and the FGS seeking to assert greater control.
The Somali Dialogue Platform and Kulan Consulting recently published a policy paper outlining options for fiscal arrangements within Somalia’s federal model. In this episode, Hodan Osman, a co-author of the policy paper, and Mahad Wasuge discuss the options for agreeing on a fiscal arrangement and the political processes necessary to address this contentious issue.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Dastuurka Federaalka ee Soomaaliya waxa si kumeelgaar ah loo ansixiyey 10 sano kahor 1-dii August 2012. Sanadihii u dhexeeyay 2013 ilaa 2016, ilaa 4 dowlad-goboleed ayaa la dhisay. Balse arrimo muhiim u ah qabya-tirka dastuurka iyo dhameystirka qaab-dhismeedka federaalka ayaanan weli laga heshiinin sida Maqaamka Muqdisho, awood qeybsiga, federaaleynta nidaamka maaliyadda, nooca garsoorka, naqshadda amniga qaranka iyo arrimo kale.
Dhawaan Somali Dialogue Platform iyo Somali Public Agenda waxa ay wada daabaceen faallo qoto-dheer ee uu cinwaankeedu yahay ‘Soo nooleynta wada-xaajoodka arrimaha siyaasadda ee la isku hayo’. Faallada waxa ay soo bandhigtay hannaan loo dhan yahay ee looga wada hadli karo loogana heshiin karo arrimaha la xiriira federaalka ee uu khilaafka ka jiro.
Podcast-gan oo aan iska kaashaneyno Somali Dialogue Platform waxa ay Maxamed Keynaan iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan nuxurka warbixinta iyo habka wada-xaajoodka ee lasoo jeediyey.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Bishii May ee 2017, madaxda dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa Naqshadda Amniga Qaranka ugasoo heshiiyey shir ka dhacay London. Balse inta laga fuliyey heshiiskaas ayaa aad u kooban.
Shan sano kadib, bishii May 2022, madaxweyne Xasan Sheekh ayay labada gole ee baarlamaanka doorteen. Dagaallo ay qeyb ka yihiin Macawiisleey ayaa sidoo kale ka billowday qeybo kamid ah Soomaaliya.
Somali Dialogue Platform (Madasha Wadahadalada Somaaliyeed) oo ah mashruuc uu fuliyo Machadka Rift Valley ayaa dhawaan daabacay warbixin ku saabsan dib-u-eegista uu u baahan yahay in lagu sameeyo Naqshadda Amniga Qaranka.
Podcast-gan, waxa Cabdi Caynte iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan nuxurka warbixintaas, in la joogo wakhtigii dib loo eegi lahaa Naqshadda Amniga Qaranka iyo heshiis amni noocee ah ayaa loo baahan yahay wakhtigan.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Soomaaliya waxa ay Qaramada Midoobay u xilsaartay in ay Maxmiyad/Trusteeship muddo toban sano ah ku heyso dowladda Talyaaniga oo aan markaas xubin ka ahayn Qaramada Midoobay. Muddadii uu Talyaaniga maamulayay Soomaaliya waxa uu qaabeeyay nidaamka dowladnimada Soomaaliya. Qeybtan 2-aad ee wareysiga aan la yeelannay taariikhyahan Dr Maxamed Xaaji Mukhtaar waxa aan ku falanqeyneynaa waxyaabihii uu qabtay Talyaaniga muddaddii 10-ka sano ahayd ee uu maamulayay Soomaaliya iyo waxyaabaha laga dhaxlay oo ilaa maanta dowladnimada Soomaaliya ka dhex muuqda.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Soomaaliya waxa ay Qaramada Midoobay u xilsaartay in ay Maxmiyad/Trusteeship muddo toban sano ah ku heyso dowladda Talyaaniga oo aan markaas xubin ka ahayn Qaramada Midoobay. Muddadii uu Talyaaniga maamulayay Soomaaliya waxa uu qaabeeyay nidaamka dowladnimada Soomaaliya. Qeybtan 1-aad ee wareysiga aan la yeelannay taariikhyahan Dr Maxamed Xaaji Mukhtaar waxa aan ku falanqeyneynaa sida uu Talyaaniga ku yimid Soomaaliya iyo sidii uu ugu fiday dhulka Soomaalida.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Somalia’s current institutional structure and governance system is shaped by the pre-colonial and colonial legacies. The British And Italian administrations who administered the Italian Somaliland and British protectorate before the independence in 1960 established systems that are still evident in Somalia public institutions. The Soviet Union, Egypt, the USA and other countries who supported Somalia’s security institutions, education and other sectors also left legacies in Somalia’s public sector.
In this podcast, Professor Lee Cassanelli who wrote several history books about Somalia and Mahad Wasuge discuss the historical legacy of Somalia’s current governance systems.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Dhawaan waxaa la doortay Madaxweyne Xasan Sheekh. Gole wasiirro ayaa dhawaan la magacaabi doonaa. Podcast-gan waxa lagu falanqeyneynaa dhismaha xukuumadda xigta ee Soomaaliya.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
From the publisher's feed
Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the…

143 Listeners