Maamul Wanaag

Maamul Wanaag

By Somali Public AgendaGovernment
Download on the App Store

Maamul Wanaag episodes

  • Dadaallada Xasilinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka: Caqabadaha iyo Fursadaha

    Tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2022, degmooyin & deegaanno intooda badan ku yaalla maamullada Galmudug & Hirshabelle ayaa soo galay gacanta dowladda. Dadka dega deeggaannadaas waxa ay dowladda u qorsheysay gaarsiinta adeegyada aasaasiga ah. Barnaamij xasilin oo si gaar ah loogu talo galay ayaa qorshisiisa billowday. Sidoo kale Ergayga Gaarka ah ee Xasilinta & Ilaalinta Arrimaha Rayidka ayuu madaxweynaha magacaabay. Markii uu golaha fulinta IGAD xubin ka noqday Ergaygii hore ayaa Cumar Xaashi loo magacaabay xafiiska Ergayga. Cumar waa xildhibaan katirsan golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. 

    Qeybtan 42-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Xildhibaan Cumar Xaashi waxa ay ku gorfeynayaan dadaallada la xiriira xasilinta oo ay dowladdu waddo, caqabadaha & fursadaha.

    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    ·      Email us at [email protected]

    Thanks for listening!

    38 min
  • Kaalinta Xildhibaannada ee Xalinta Khilaafka u Dhexeeya Dowladda Federaalka & Puntland

    Tan iyo dabayaaqadii sanadkii 2022, Madaxweynaha Puntland qeyb kama ahayn Madasha Wadatashiga Qaran & heshiisyadii siyaasadeed ee saldhigga u noqday dib-u-eegista & wax-ka-beddelka dastuurka. 31 March 2024 Puntand waxa ay kasoo horjeesatay wax-ka-beddelkii lagu sameeyay afarta cutub ee ugu horreysa dastuurka federaalka. 

    Qeybtan 41-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Cabdullaahi Faarax Mire oo ah xildhibaan katirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waxa ay ku gorfeynayaan arrimaha la isku khilaafsan yahay, kaalinta xildhibaannada lagasoo doortay Puntland & xalka. 

    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    ·      Email us at [email protected]

    Thanks for listening!

    49 min
  • Casharrada Laga Baran Karo Doorashooyinkii Dowladaha Hoose ee Puntland

    Waxaa dhawaan soo gabagaboobay doorashooyinkii goleyaasha deegaanka ee Puntland oo soo bilowday sanadkii 2021. Markii ugu horreysay waxaa sanadkii 2021 si tijaabo ah looga qabtay doorashada goleyaasha deegaanka saddex degmo; waxaa xigay doorashada 30 degmo oo dhacday sanadkii 2023 iyadoo sanadkan 2024 lagusoo gunaanaday 3 degmo oo ay ku jirto caasimadda Puntland ee Garowe. Xarunta Horumarinta iyo Cilmibaarista Puntland (PDRC) waxa ay kaalimo kala duwan ka ciyaareysay geeddi-socodka doorashooyinka Puntland. 

    Qeybtan 40-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Cabdinaasir Buraale oo ah Agaasime Ku Xigeenka PDRC waxa ay ku gorfeynayaan sida ay u dheceen doorashooyinka dowladaha hoose & casharrada laga baran karo geeddi-socodka doorashooyinka goleyaasha deegaanka Puntland. 

    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    ·      Email us at [email protected]

    Thanks for listening!

    54 min
  • Difaaca Madax-bannaanida Soomaaliya

    1-dii Janaayo ee sanadkan, Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa is-afgarad la saxiixday Madaxweynaha Soomaaliland Muse Biixi Cabdi. Inkastoo aanan la faafin nuqulka is-afgaradka la saxiixay, waxaa ugu muhiimsanaa in uu dhigayay in Itoobiya ay aqoonsaneyso Soomaaliland iyadoo taas beddelkeeda saldhig ciidan bad & 20 kiiloomitir oo dhul ah laga kireynayo Itoobiya muddo 50 sano ah.  

    Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaallo badan gashay markii uu soo if-baxay is-afgaradka iyadoo ku guuleysatay in dalal badan & ururro dowli ah ay taageeraan madaxbannaanida Soomaaliya. Dadaallada la sameeyay waxaa kamid ah in la dhisay Guddiga Difaaca Madax-bannaanida Soomaaliya. 

    Qeybtan 39-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Cabdiraxmaan Caynte oo ah Isuduwaha Guddiga Difaaca Madax-bannaanida Soomaaliya iyo Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya waxa ay ku gorfeynayaan dadaallada guddiga ee difaaca madax-bannaanida Soomaaliya.

    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    ·      Email us at [email protected]

    Thanks for listening!

    39 min
  • Sidee loo xallin karaa khilaafyada siyaasadeed ee Hirshabeelle?

    Dowlad-goboleedka Hirshabelle waxaa la dhisay bishii October ee sanadkii 2016. Xilligaas, madaxdii dowladda federaalka waxa ay u dedejiyeen dowlad-dhiska si doorashadii dadbaneyd gaar ahaan xubnihii Aqalka Sare uu u doorto baarlamaanka cusub ee Hirshabeelle sidoo kalena doorashada xubnaha golaha shacabka loogu qabto magaalada Jowhar. Khilaafyo siyaasadeed ayaa ka dhashay sida labada gobol iyo beelaha deggan u wadaagayaan awoodaha maamulka. Khilaafyadaas siyaasadeed ayaa dib-u-dhac ku keenay horumarro badan oo laga sameyn lahaa dowlad-goboleedka.

    Qeybtan 38-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Maxamed Mukhtar Ibrahim oo ah wasiirkii hore ee Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya oo sidoo kale si gaar ah u hoggaaminayay dadaallo lagu raadinayay xal-u-helidda khilaafka siyaasadeed ee Hirshabelle waxa ay ku falanqeynayaan fursadaha jira iyo siyaabaha looga heshiin karo arrimaha la isku hayo.

    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    ·      Email us at [email protected]

    Thanks for listening!

    20 min
  • Geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya labo sano kadib

    17-kii bishan May ayuu soo gabagaboobay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uga socday Muqdisho. Nuxurka warmurtiyeedka kasoo baxay shirka waxa uu ahaa in la isla aqbalay wax-ka-beddelkii iyo ansixintii uu baarlamaanka ku sameeyay 4-ta cutub ee ugu horreysa dastuurka, iyo in la hirgeliyo cutubka 4-aad iyadoo wax-ka-beddel lagu sameynayo sharciyada qaar kadibna la dhisayo guddiga doorashooyinka iyo xuduudaha.

    Siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen ku dhaliilay qodobbada kasoo baxay shirka Golaha Wadatashiga Qaran. Isla bishan May sanadkii hore ayay xubnaha Golaha gaareen heshiiska doorashada. Qeybtan 37-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Farxaan ISxaaq Yuusuf ayaa ku falanqeynaya geeddi-socodka doorashooyinka Soomaaliya labo sano kadib. 

     

    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    ·      Email us at [email protected]

    Thanks for listening!

    39 min
  • Gorfeyn Miisaaniyadda Dowladda Federaalka ee Sanadka 2024

    Miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya ee 2024 ayaa baarlamaanka ku ansixiyay kalfadhi wadajirka ah bishii Diseembar 2023. Miisaaniyadda dowladda federaalka ee sanadka 2024 ayaa markii ugu horreysay gaartay $1 billion. Inkastoo halkudhigga miisaaniyadda sanadkaan uu yahay ‘ku tiirsanaanta awooddeena dakhli’, 67% miisaaniyadda ayaa laga filayaa deeq-bixiyeyaasha oo ku bixinaya taageero mashaariic iyo kab miisaaniyadeed. Dakhliga gudaha ee la filayo ayaa ah 33%.  

    24.5% waxay ku bixi doontaa hay’adaha difaaca iyo amniga, halka 22.3% loo qoondeeyay hay’adaha horumarinta dhaqaalaha; 20% miisaaniyada ayaa loo qorsheeyay gaarsiinta adeegga bulshada. Qeybtan 36-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Farxiya Maxamuud ayaa ku falanqeynaya miisaaniyadda dowladda federaalka ee 2024 ee amniga, horumarka dhaqaalaha, iyo adeegyada bulshada.  

    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    ·      Email us at [email protected]

    Thanks for listening!

    21 min
  • Doorashooyinka & Wax-ka-beddelka Dastuurka

    Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan soo gabagabeeyay ka doodista 4 cutub oo kamid ah dastuurka oo loosoo gudbiyay 12-kii February. Baarlamaanka ayaa cutub kasta ka dooday dhowr maalmood. Cutubyadan ayaa wax-ka-beddel lagusoo sameeyay waxaana kasoo shaqeeyay guddiga madaxa-bannaan ee dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka dastuurka. 28-kii Maarso, nuqul wax-ka-beddel lagu sameeyay ayaa loo qeybiyay xildhibaannada baarlamaanka iyadoo 30-ka Maarso loo jadwaleeyay u codeynta afarta cutub.  

    Cutubka 4-aad waxa uu ka hadlayaa arrimaha la xiriira doorashooyinka. Waxa uu ka kooban yahay 15 qodob. 14 qodob ayaa cusub. Cutubkan ayaa dhaliyay doodo iyo diidmo ka timid qaar kamid ah xildhibaannada iyo siyaasiyiin ay kamid yihiin labo madaxweyne hore. Somali Public Agenda & Somali Dialogue Platform ayaa daabacay warbixin gorfeyneysa cutubka afaraad ee dastuurka.

    Podcast-gan waxa lagu falanqeyneynaa dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka dastuurka iyo arrimaha doorashooyinka ee uu khilaafka ka jiro. Waxaa marti ku ah Dr. Xuseen Sheekh Maxamuud oo ah Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dastuurka. Xuseen waxa uu horey uga mid ahaa Aqalka Sare iyo Guddiga Lasocodka ee Baarlamaanka, waxa uuna dhawaan ahaa Agaasimaha Madaxtooyada.

    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    ·      Email us at [email protected]

    Thanks for listening!

    50 min
  • Gorfeyn Is-afgaradka Itoobiya & Soomaaliland

    1-dii January ee sanadkan 2024, Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biix Cabdi ayaa Is-Afgarad ku saxiixay magaalada Addis Ababa. Inkastoo aanan la faafin is-afgaradka, macluumaadka la helay ayaa sheegaya in Itoobiya muddo 50 sano ah laga kireynayo 20 kilomitir oo dhul ah iyo saldhig ciidamadeeda badda. Soomaaliland ayaa la sheegay in ay ku beddelaneyso ictiraaf ay ka hesho Itoobiya. Dowladda Federaalka Soomaaliya, ururrada gobolka iyo dalal badan ayaa ka hadlay kanasoo horjeestay is-afgaradka.

    Podcast-gan waxa ay Dr. Axmed Cali Khayre oo ah Cilmibaare iyo lataliye arrimaha sharciga & Mahad Waasuge ku falanqeynayaan nuxurka is-afgaradka, fasiraadda sharci ee loo sameyn karo, iyo tallaabooyinka sharci ee u furan Soomaaliya. 

    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    ·      Email us at [email protected]

    Thanks for listening!

    43 min
  • Soomaaliya: Dib-u-heshiisiin mise Dhab-u-heshiisiin?

    Soomaaliya waxa ay soo martay dagaallo badan; ilaa maantana qeybo kamid ah dalka waxaa ka dhaca dagaallo ay dad badan ku dhintaan. Dib-u-heshiisiin dhab ah iyo is cafin ma dhicin. Is-aaminaadda bulshadana waa mid hooseysa. Dowlad-dhiska Soomaaliyana weli waa mid curdun ah. Maxkamadaha ayaa ku yaalla magaalooyinka iyadoo dadka oo dhan aanay dacwadahooda geysan. Odayaasha dhaqanka ayaa qeyb weyn ka qaata xallinta khilaafyada.

    Podcast-gan waxa ay Jaamac Cigaal oo khabiir ku ah arrimaha dib-u-heshinta iyo Mahad Waasuge ku falanqeynayaan sababaha aanay dib-u-heshiisiin dhab ah uga dhicin Soomaaliya iyo dhabbaha ay tahay in loo maro.

    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    ·      Email us at [email protected]

    Thanks for listening!

    48 min

About Maamul Wanaag

From the publisher's feed

Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the…

More shows like Maamul Wanaag

The Inside Story Podcast by Al Jazeera

The Inside Story Podcast

143 Listeners