Maamul Wanaag

Maamul Wanaag

By Somali Public AgendaGovernment
Download on the App Store

Maamul Wanaag episodes

  • Jamhuuriyadda Saddexaad 25 Sano Kadib Shirkii Nabadda ee Carta

    25 sano ayaa laga joogaa markii bishii August 2000 lagu dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad ee magaalada Carta ee dalka Jabuuti. Shir lagu maamuusayo sanadguuradaas ayaa dhawaan lagu qabtay magaalada Carta. Geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya rubuc qarni kadib weli waa qabyo. Nidaamkii federaalka weli lama dhameystirin. Dib-u-eegista dastuurka weli waa socotaa. Dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyadana khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhex taagan. 

    Qeybtan 62-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr. Abdurahman Abdullahi Baadiyow, oo ah Lataliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh ee Arrimaha Dib-u-heshiisiinta, ayaa ku gorfeynaya jamhuuriyadda 3-aad 25 sano kadib.

    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    ·      Email us at [email protected]

    Thanks for listening!

    1 hr 12 min
  • Maareynta Doorashooyinka Soomaaliya iyo Caqabadaha Ku Xeeran

    Dowladda federaalka Soomaaliya waxa ay ku jirtaa sanadkii afaraad. Geeddi-socodka doorashooyinka & dib-u-eegista dastuurka weli waa qabyo. Hannaanka doorashada waxa aanan qeyb ka ahayn siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxweynayaal & raysal wasaarayaal hore. 

    Raysal Wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid waxa uu kamid ahaa afar siyaasi oo ka tirsanaa Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed oo heshiis siyaasadeed la galay hoggaanka dowladda federaalka 25-kii August ee sanadkan. Hadda waa hoggaamiyaha urur siyaasadeed 6-dii September la diiwaangeliyay oo qorsheynaya in uu ka qeyb galo doorashooyinka dowladaha hoose ee la qorsheynayo in ay dhawaan qabsoomaan.

    Qeybtan 61-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo Raysal Wasaare soo noqday labo jeer, sidoo kalena sanadkii 2017 ahaa musharrax Madaxweyne, waxa ay isla gorfeynayaan maareynta doorashooyinka Soomaaliya iyo caqabadaha ku xeeran.

    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    ·      Email us at [email protected]

    Thanks for listening!

    48 min
  • Aqoonsi-u-raadinta Somaliland & Dadaallada Dowlad-dhiska Soomaaliya

    Dalka Mareykanka waxaa ka socda dadaallo lagu raadinayo in uu Mareykanka u aqoonsado Somaliland dal ka madax-bannaan Soomaaliya. Dhanka kale dowladda federaalka ayaa wadda dadaallo loogasoo horjeedo in ay Somaliland ka go’do Soomaaliya.

    Qeybtan 60-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Feysal Rooble, oo ah aqoonyahan, falanqeeye & xubin katirsan Golaha Sare ee PDRC, waxa ay isla gorfeynayaan mustaqbalka Somaliland iyo guud ahaan geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya.

    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    ·      Email us at [email protected]

    Thanks for listening!

    46 min
  • Nidaamka Metelaadda Beelaha ee 4.5 & Xilalka Sarsare ee Soomaaliya

    25 sano ayaa laga joogaa markii bishii August 2000 lagu dhisay Jamhuuriyadda Saddexaad magaalada Carta ee dalka Jabuuti.  4.5 in awoodaha loo qeybsado waxa ay kamid ahayd tiirarkii lagu dhisay dowladdaas. Inkastoo loo arkayay in muddo kooban kadib laga gudbi doono, 4.5 weli waa halbeegga metelaadda beelaha ee dowladda. 

    Qeybtan 59-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr. Abdi Kusow, oo ah cilmibaare iyo bare jaamacadeed oo muddo wax ka qorayay arrimaha Soomaaliya & arimaha bulshada, sidoo Kalena sanadkii 2022 u tartamay madaxweynaha Soomaaliya, waxa ay ku gorfeynayaan metelaadda beelaha ee xilalka sare ee dalka.

    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    ·      Email us at [email protected]

    Thanks for listening!

    1 hr 15 min
  • Qorshaha Tirakoobka Dalka & Isticmaalka Xogaha Rasmiga ah

    Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya (Somalia National Bureau of Statistics) waxa ay sanadihii lasoo dhaafay ku howlaneyd dadaallo la xiriira uruurinta xogaha rasmiga ah ee dalka oo ay kamid tahay tirakoobka. Tayada & tirada xogaha rasmiha ah ee la hayo, iyo sida looga faa’ideysto ayaanan dad badan u caddeyn. 

    Qeybtan 58-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr. Abdisalan Mohamed, oo ah Agaasinmaha Guud ee Hay’adda Istaatistikada Qaranka Soomaaliya, waxa ay ku gorfeynayaan arrimaha la xiriira xogaha rasmiga ah & tirakoobka ee uu ka shaqeynayo Hay’adda Istaatistikada Qaranka. 

    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    ·      Email us at [email protected]

    Thanks for listening!

    49 min
  • Heshiiska Dowladda Federaalka iyo Qeyb Kamid ah Madasha Samatabixinta

    25-kii Agoosto ee sanadkan, waxaa Muqdisho ku heshiiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo qeyb kamid ah Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed. Qodobada heshiiska waxaa kamid ahaa in ay xubnaha baarlamaanka federaalka doortaan madaxweynaha sidoo kalena ansixiyaan xilkana ka qaadi karaan raysal wasaaraha & in urur-siyaasadeedkii ka hela ugu yaraan 10% xubnaha baarlamaanka fadaraalka uu noqonayo xisbi qaran

    Qeybtan 57-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge iyo Amb. Daahir Maxamuud Geelle oo oo kamid ah afarta xubnood ee heshiiska la galay dowladda federaalka, waxa ay ku falanqeynayaan nuxurka heshiiska iyo mustaqbalka doorashooyinka Soomaaliya.  

     


    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    ·      Email us at [email protected]

    Thanks for listening!

    1 hr 2 min
  • Change in the Air or Status Quo? Somaliland and AUSSOM

    There is currently an active campaign in the United States urging President Trump to recognize Somaliland. Meanwhile, the future of the African Union Support and Stabilization Mission in Somalia (AUSSOM) remains uncertain.

    In this 56th episode of the Maamul Wanaag Podcast, Mahad Wasuge speaks with Omar Mahmood, International Crisis Group (ICG) Senior Analyst for Somalia and the Horn of Africa. They discuss the ongoing lobbying efforts in the US for Somaliland recognition, how these efforts reflect realities on the ground—particularly regarding the formation of North East State—and how the US might proceed. They also examine the current status of the AUSSOM and its funding situation. 

    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    ·      Email us at [email protected]

    Thanks for listening!

    43 min
  • Uruurinta & Maareynta Dakhliga Canshuuraha ee Maamulka Gobolka Banaadir

    Dhawaan waxa ay Somali Public Agenda daabacday daraasad ku saabsan dakhliga 
    Maamulka Gobolka Banaadir, taas oo iftiimineysa ilaha dakhli ee Gobolka Banaadir, 
    sharciga uruurinta canshuuraha, hannaanka wargelinta muwaaddinka, caqabadaha 
    canshuur uruurinta iyo sida dakhligaas loo kharash-gareeyo. 


    Qeybtan 55-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Farhan Isak Yusuf oo ah 
    Agaasime Ku xigeenka SPA, SPA Research Director & qoraaga daraasadda, ayaa ku 
    gorfeynaya nuxurka natiijooyinkii ugu muhiimsanaa ee lagu ogaaday daraasadda.

    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    ·      Email us at [email protected]

    Thanks for listening!

    43 min
  • Dastuurka, Doorashooyinka & WadahadalladaDowladda Federaalka & Mucaaradka

    Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa muddo socotay. Inkastoo gunaanadkii ay kasoobaxday in ay gogosha furan tahay, kulankii ugu ballaarnaawaxaa Muqdisho lagu qabtay 16-19 June, 2025. Hadda waxaasocda kulamo u dhexeeya dowladda federaalka & MadashaSamatabixinta Soomaaliyeed.

    Qeybtan 54-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge& Xasan Macallin Maxamuud oo ah Wasiirka Cadaaladda & Arrimaha Dastuurka iyo sidoo kale guddoomiyaha guddigamaamulayay gogosha ayaan ku gorfeynaya wadahadallada socdaee la xiriira arrimaha dastuurka & doorashooyinka.

     

    #SPAPodcasts #MaamulWanaagPodcast #MaamulWanaag #SomaliPublicAgenda #MahadWasuge #HassanMoallim


    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    ·      Email us at [email protected]

    Thanks for listening!

    38 min
  • Shirkii Gogosha Wadatashiga Qaran & Natiijadii Ka Soo Baxday

    16-19 June, 2025 waxa Muqdisho ka qabsoomay Gogosha Wadatashiga Qaran ee uu fidiyay madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud bishii Maarso ee sanadkan. Gogosha waxaa ka qeybgalay siyaasiyiin, ururro siyaasadeed, xisbiyo ka socday Puntland, iyo qaar ka mid ah ururrada bulshada. Intii ay gogoshani socotay waxaa looga hadlay ilaa 4 qodob oo kala ah: midnimada dalka, amniga, dhammeystirka dastuurka, dimuqraadiyadeynta iyo doorashooyinka. Gunaanadkii gogosha waxa lagasoo saaray war-murtiyeed iyo baaq.   

    Qeybtan 53-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Agaasimaha Somali Public Agenda, Mahad Waasuge, iyo Feysal Axmed Warsame oo ah madaxii hore ee Dalladda Bulshada Rayidka ah ee Puntland, waxa ay ku falanqeynayaan gogoshaas iyo natiijadii ka soo baxday.

    Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast

    ·      Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)

    ·      Email us at [email protected]

    Thanks for listening!

    33 min

About Maamul Wanaag

From the publisher's feed

Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the…

More shows like Maamul Wanaag

The Inside Story Podcast by Al Jazeera

The Inside Story Podcast

143 Listeners