
Sign up to save your podcasts
Or


Nearly two decades after beginning its engagement with the continent, Turkey has emerged as one of the most active extra-regional actors in Africa. Its influence is particularly evident in the Horn of Africa, especially in Somalia and Ethiopia.
In this 51st episode of the Maamul Wanaag Podcast, Mahad Wasuge speaks with Dr. Federico Donelli, Assistant Professor of International Relations at the University of Trieste, Italy. They explore the evolution of Turkey’s engagement in Africa, its adaptability to external dynamics and domestic political shifts, its growing investments in Somalia, and its mediation role in the Somalia-Ethiopia context.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa u billowday sanadkii afaraad. Geeddi-socodka doorashooyinka & dib-u-eegista dastuurka weli waa qabyo. Wakhtiga harayna waxa ay u muuqdaan in ay adag tahay in lagu dhameeyo. Hannaanka doorashada waxa aanan qeyb ka ahayn siyaasiyiin ay kamid yihiin madaxweynayaal & raysal wasaarayaal hore.
Qeybtan 51-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Amb Ahmed Isse Awad oo ah Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa isla gorfeynaya xaaladda siyaasadda dalka.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Dadaallo la xiriira arrimaha deegaanka ayaa ka socdoPuntland. Sidoo kale, dowlad-goboleedka ayaa dagaal kula jirta ISIS. Dhanka kale, xiriirka dowladda federaalka & Puntland ayaa hakad ku jiray muddo ka badan labo sano.
Qeybtan 50-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Agaasimaha Somali Public Agenda Mahad Waasuge iyo Wasiirka Deegaanka, Daaqa iyo Isbeddelka Cimillada ee Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Faroole ayaa ku falanqeynaya arrimaha deegaanka Puntland, dagaalka ka dhanka ah ISIS, & asalka khilaafka dowladda federaalka & Puntland iyo sida loo xallin karo.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
12-kii December 2024, dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa dalka Turkiga ku wada saxiixday heshiis loogu magacdaray Baaqa Ankara. Baaqa waxaa saxiixay Madaxweynaha Soomaaliya & Raysal Wasaaraha Itoobiya waxaana goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Turkiye. Heshiiskan waxaa ku jirtay in wadaxaajood farsamo la bilaabi doono bisha February 2025, laguna soo gabagabeeyo muddo 4 bilood ah.
Qeybtan 49-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Agaasimaha Fulinta ee Somali Pubic Agenda, Mahad Waasuge, iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Xil. Cali Cumar “Balcad”, oo hormuud u ah guddiga farsamo ee wadaxaajoodka, ayaa ku gofeynaya howlaha socda iyo halka ay ku dhammaan karaan.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
12-kii April, raysalwasaaraha dalka, Xamse Cabdi Barre ayaa safar dhowr maalmood qaatay ku tagay magaalada Laascaanood oo ah xarunta SSC Khaatumo. Waxa uu ahaa masuulkii ugu sarreeyay ee Jamhuuriyadda Saddexaad ee taga magaalada Laascaanood. Muddadii uu joogay raysalwasaaruhu waxa uu daahfuray mashaariic, isaga oo ku casuumay hoggaamiyaha SSC Khaatumo shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxa uuna ku dhawaaqay in ay dowladda federaalka u aqoonsatay SSC Khaatumo dowlad-goboleed.
Qeybtan 48-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Agaasimaha Fulinta ee Somali Public Agenda, Mahad Waasuge, iyo Professor Cabdikariin Xasan Jaamac oo ah Hormuudka Jaamacadda City iyo Wasiirkii hore ee Warfaafinta, Boostada & Isgaarsiinta, ayaa isla gorfeynaya safarkii raysalwasaaraha ee Laascaanood, aqoonsiga dowlad-goboleed, iyo waxa ay uga dhigan tahay SSC Khaatumo.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Hirgelinta nidaamka federaalka Soomaaliya weli lama dhameystirin. Inkastoo la dhisay dhowr dowlad-goboleed muddadii u dhexeysay 2013 iyo 2016, haddana ka shaqeysiinta nidaamka federaalka waxa uu ku jiraa marxalad bilow ah. Arrimaha aanan weli caddeyn oo marxalad heshiis siyaasadeed maraya waxaa kamid ah daadejinta awoodaha fulinta, federaaleynta maaliyadda, nidaamka garsoorka, iyo maqaamka Muqdisho.
Qeybtan 47-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr Ali Isse oo ah Agaasimaha Horn Economic and Social Policy Institute (HESPI), sidoo kalena khabiir ku ah arrimaha dhaqaalaha, ayaa ku gorfeynaya qaab-dhsmeedka nidaamka federaalka & federaaleynta maaliyadda Soomaaliya
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Ku dhawaad 25 sano kadib dhismidii Jamhuuriyadda Saddexaad ee magaalada Carta ee dalka Jabuuti, geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya weli waa qabyo. Nidaamkii federaalka weli lama dhameystirin. Dib-u-eegista dastuurka weli waa socotaa. Dowladda federaalka iyo qaar kamid ah dowlad-goboleedyadana khilaaf siyaasadeed ayaa ka dhex taagan.
Qeybtan 46-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Dr Afyare Cabdi Cilmi ayaa ku gorfeynaya geeddi-socodka dowlad-dhiska Soomaaliya iyo isbedellada dhici kara heshiiska siyaasadeed sanadka 2025.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Dhawaan Open Budget Survey (OBS) oo sameeya cilmibaaris madax-bannaan oo lagu baaro miisaaniyadaha dalalka, fursadaha ay qeybaha bulshada uga qeyb gaadan karaan miisaaniyadda xilliga la diyaarinayo, iyo kaalinta hay’adaha ka shaqeeya daahfurnaanta ku leeyihiin miisaaniyadda ayaa daabacay natiijada daraasad laga sameeyay miisaaniyadda Soomaaliya sanadkii 2023. Heerka daahfurnaanta, Soomaaliya waxa ay keentay 37 dhibcood (109 halbeeg). Ka qeyb galka bulshada 0 ayay ahayd (18 halbeeg), halka korjoogteynta miisaaniyadda ay noqotay 30 dhibcood (18 halbeeg). Wadarta halbeegyada waxa ay ahaayeen 145. Xog uruurinta waxaa laga sameeyay 125 dal. Natiijada daraasaddan waxaa lagusoo bandhigay madal lagu qabtay Muqdisho oo ay kasoo qeyb galeen hay’adaha dowladda & bulshada rayidka ah oo ay khuseyso.
Qeybtan 45-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Maxamed Roble oo ah khabiir arrimaha maaliyadda ah ayaa isla gorfeynaya natiijada daraasadda laga sameeyay heerka daahfurnaanta, ka qeybgalka dadweynaha & korjoogteynta miisaaniyadda Soomaaliya.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Dowlad-dhiska Soomaaliya marxalado kala duwan ayuu soo maray, balse marka la eego xal-u-helidda arrimaha siyaasadeed ee ugu waaweyn dalka, horumar ballaaran lagama sameynin. Maxaa Soomaaliya ka khaldan oo aan arrimaha siyaasadeed xal looga gaari karin, sidee ayayse tahay in loo wajaho arrimaha ugu waaweyn dowlad-dhiska Soomaaliya oo ay kamid yihiin amniga, siyaasadda (dastuurka, federaaleynta iyo doorashooyinka), iyo qaddiyadda Somaliland?
Qeybtan 44-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Cabdiraxmaan Caynte oo ah Wasiirkii hore ee Qorsheynta Soomaaliya ayaa isla gorfeynaya waxa ka khaldan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo sida ay tahay in loo wajaho.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
Dhawaan warbixinno la xiriira baaritaanno uu ku sameeyay 19 hay’ad dowladeed ayuu daabacay Xafiiska Hantidhowraha Guud. Warbixinnada waxaa ku jira natiijada khaladaad kala duwan oo lagu ogaaday baaritaannada oo ay sameeyeen xafiisyo kala duwan ee dowladeed.
Qeybtan 41-aad ee Maamul Wanaag Podcast, Mahad Waasuge & Axmed Ciise Guutaale oo ah Hantidhowraha Guud ee Soomaaliya ayaa ku gorfeynaya nuxurka warbixinnada uu soo saaray xafiiska Hantidhowrka Guud iyo kaalinta ay baaritaannadan ka qaadanayaan sare-u-qaadista daahfurnaanta & isla-xisaabtanka.
Contact Somali Public Agenda’s Maamul Wanaag Podcast
· Tweet us at @somalipubagenda and @MahadWasuge (the host)
· Email us at [email protected]
Thanks for listening!
From the publisher's feed
Somalia faces multiple governance challenges. The country is recovering from years of conflict, lawlessness and weak administration. Understanding and improving governance in Somalia is one of the…

143 Listeners