Iyadoo ay taageerayaasha kubadda cagta ee ku sugan daafaha adduunka ay si xiiso le u la socdaan #Koobka Adduunka oo ay ku tartamayaan kooxo kala duwan, ayaa waxaan todobaadkan barnaamijka #TubtaNabadda diiradda ku saaraynaa kubadda iyo kaalinta ay ka qaadan karto nabadda iyo midnimada bulshada.
Waxaan barnaamijka ku waraysanaynaa Cabdiqani Siciid Carab, Guddoomiyaha #Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed oo ka hadli doona doorka ay kubadda cagtu ka qaadan karto faafinta jacaylka iyo nabadda bulshadeeda dhexdeeda.
Waxaa sidoo kale barnaamijka naga la qaybqaadanaya Steve Bloomfield oo wax ka qora arrimaha ciyaaraha kuna sugan Magaalada #London. Wuxuu ka hadlayaa waxa ay tahay inay sameeyaan ururada caalamiga ah si ay u taageeraan kubadda cagta Soomaaliya iyo sida
Soomaaliya ay awood ugu yeelan karto inay soo ceshato dhaqankeedii dhanka ciyaaraha. Barnaamijka ayaa waxaa idinla socodsiin doona Faadumo Sheikh Abdullahi Aden iyo Cali Guutaale waxaana ku soo biiri doona Awdango oo noo qaadi doonaa hees hallaasi ah.
Ka dhageyso Radio Muqdisho, Radio Kulmiye, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Risaala, GoobJoogFM, Radio Cadaado iyo Radio Hiranweyn Beletweyne maanta. Ha hilmaamin in aad wici karto idaacadaha oo aad nala wadaagi karto aragtidaada ku aadan ama qaybtaan hoose aragtidaada noogu reeb. Haddii uu ku dhaafay, halkaan ayaad ka dhageysan kartaa marwalba. Waxaad ka heli karta barnaamijka iyo qaybaha kaleba iTunes (apple.co/2xbk78c), Stitcher (bit.ly/2x9djbd) and TuneIn (bit.ly/2kljcZJ).