Todobaadkaan Banaamijka #TubtaNabadda waxaan diiradda ku saareynaa muhiimadda maalinta Haweenka adduunka, anagoo eegeyna dhinacyada siyaasadda iyo dhismaha nabadda ee Soomaaliya. Waxaan ka hadli doonaa muhiimadda xaqiijinta ka qaybgalka haweenka oo ay ku jiraan hoggaamiyaasha haweenka ee dhinacyada go'aan gaarista
Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuula Axmed Gabale, ayaa ka hadashay Kaalinta haweenka Soomaaliyeed ka ciyaarayaan jaggooyinka hoggaamineed. Farxiyo Muumin oo ka tirsan xildhibaanada Soomaaliyeed muujisay fursadaha haweenka Soomaaliyeed ay ku hormarin karaan doorkooda hoggaamineed
Dhageyso Barnaamijka oo ay daadihinaayaan Cali Guutaale iyo Faadumo Sheekh, waxaana istuudiyaha ku weheliya Gabyaa Yusuf Max'ed.
Ka dhageyso Barnaamijka Radio Mogadishu, Radio Kulmiye, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Risala, Radio Adado, Radio GoobJoog or Radio HiranWeyn Beletweyne.
Si aad fikradahaaga noola wadaagto, soo wac nambarada idaacadaha aad ka dhagaysanaysaan barnaamijka ama fallo noo dhaaf.