Barnaamijka #TubtaNabadda, waxaan Todobaadkan kaga hadlayna adkaysiga ay muujiyeen shacabka Soomaaliyeed oo wajahaya dhibaatooyin kale duwan oo ay ka mid yihiin abaaro, argagixiso , shaqo la’aan, deganaansho la’aan siyaasadeed iyo caqabado kale. Waxaan waraysanaynaa Mukhtaar Shiikh Xuseen Jimcaale, agaasimaha arrimaha bini'aadanimada ee Wasaaradda Gargaarka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Wuxuu ka hadli doonaa taageerada ay u baahanyihiin shacabka Soomaaliyeed si ay uga faa’iidaystaan awoodda adkaysiga iyo meelaha ay tahay in hortabin la siiyo.
Waxaa istuudiyaha Muqdisho barnaamijka nooga soo jeedinaya Faadumo iyo Ali Gutale waxayna ka doodayaan awoodda adkaysiga shacabka Soomaaliyeed iyo wadajirka ay muujiyeen xilliyada adkaa ee ay soo mareen. Waxaa istuudiyaha kula sugan Subeida Mohamed Mukhtar, Xoghayaha Guud ee maamulka Gobolka Banadir oo ka hadlaysa waxyaabaha uu maamulka muhiimadda siinayo si loo xoojiyo adkaysiga shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Banadir.
Dhagayso Radio Mogadishu, Radio Kulmiye KNN, Raadiyo Baydhabo, SBC Radio, Radio Cadaado, Radio Risaala, Goobjoog FM 88.5 ama Radio Beletweyne. Si aad fikradahaaga noola wadaagto, soo wac nambarada idaacadaha aad ka dhagaysanaysaan barnaamijka ama fallo noo dhaaf. Haddii uu ku seegay barnaamijku waxaad mar walba ka dhagaysan kartaa halkaan
...........
On this episode of #TubtaNabadda, we discuss the #resilience which Somalis have shown in light of the challenges they face: drought, terrorism, unemployment, political instability and many others. We interview Mukhtar Sheikh Hussein Jimale, Director of Humanitarian Affairs at the Ministry of the same name. He discusses support needed by the Somali people to harness the resilience of its citizens and the areas that need to be prioritized.
At the studio in #Mogadishu, Ali and Fadumo discuss the resilience of the Somali people over the years and how they engage in acts of solidarity when faced by challenges. They are joined by Subeida Mukhtar, Secretary-General of the Banadir regional administration, discussing the main priorities of her administration and the activities being put in action to maintain the spirit of resilience among the people of Banadir.
Tune in to Radio Mogadishu, Radio Kulmiye, Radio Baidoa, SBC Radio, Radio Cadaado, Radio Risaala, Radio GoobJoog or Radio Beletweyne on Friday, Monday and Wednesday to listen to this episode and discover many other topics important for Somalis.
Remember to call in and share your thoughts about the show, or leave us a comment below. In case you miss it on the radio, listen in here anytime!