Abubakar Mohammed

Abubakar Mohammed

By Abubakar MohammedArtsBooks
Download on the App Store

Abubakar Mohammed episodes

  • Hordhac - Hooyo Macaan

    Hooyo waa ereyo ka kooban shan xaraf, laakin micnihiisa ayaa ka badan intaas, waa jeceyl, waa naxariis waa farxad, waa deggenaansho, waa jannah, waa nolol. Dhammaan ereyada aduunka hadii la isku dayo in lagu micneeyo aanan lagu micneyn karin. Alla dadka u fududaa dhawaaqa ereyga hooyo, isla markaasna adagaa in la tilmaamo. 





    5 min
  • Ka Farxi Dadka 6 - Ku Raaxayso Noloshaada

    Qabta 6aad: Ka farxi dadka:

    In aad xiriir fiican la samaysid bulshada oo qalbigooda soo jiidatid ka farxisid, ayaa ah waddada ugu wanaagsan loo maro ku raaxaysiga nolosha. Qaybtan wuxuu si dhab ah kaaga caawin doonaa:

    Sida aad farxad ugu abuuri lahayd qalbiyada dadka kale.

    Sida aad u beddeli  lahayd dabeecadaha aan wanaagsanayn.
    Sida hadalkaaga aad ugu dari lahayd malab si dadka aad  u soo jiidatid.
    Waddada ugu wanaagsan ee lagu qurxiyo wajiga.
    Sida aad ku noqon lahayd qof dadka oo dhan ay jecelyihiin.

    33 min
  • Raaxada Jirka 5 (Full) - Ku Raaxayso Noloshaada

    Qaybta 5aad: Raaxada Jirka:

    Daryeelidda jirkaagu saamayn aad u weyn bay ku yeelataa ku raaxaysiga noloshaada. Nabiga scw wuxuu inoo tilmaamay in qofka naftiisa ay xaq ku leedahay. Qaybtani waxay si dhab ah kaaga caawin doontaa:

    Sida aad u daryeeli lahayd caafimaadkaaga.

    Sida aad ku heli lahayd dhammaan maaddooyinka jirka u baahanyahay.
    Sida aad u ilaalin lahayd nadaafadda jirkaaga.
    In aad maalin walba samaysid jimicsi fudud.
    In aad heshid hurdo kuugu filan iyo daawada hurdo la’aanta.
    In aad aaddid safar, si jirkaaga firfircooni u helo iyo faa’idooyinka uu leeyahay safarku.

    20 min
  • Raaxada Qalbiga 4 (FULL) - Ku Raaxayso Noloshaada

    Waxa ugu weyn ee uu ku raaxaysto qalbigu, waa in uu helo jacayl joogta ah. Jacaylka waa waxa ugu quruxda badan ee la haysto. Sooma aad arkin marwalba oo aad fiirisid qofka aad jeceshahay, wajigaaga waxa ka muuqda farxad iyo dhoolla caddayn. Waxaan qaybtan kuugu soo bandhigi doonaa:

    Sida Jacayl qurux badan loo dhiso.

    Sida Jacayl kaas quruxda badan loogu noolaado.
    Sida loo doorto lammaanaha mustaqbalka.
    Qofka sida dhabta ah kuu jecel waxyaabaha lagu garto.
    Bankiga jacaylku waa maxay?
    Sida uu Nabiga ula dhaqmi jiray xaasaskiisa.
    Qalbiga sida loo nadiifiyo.

    31 min
  • Raaxada Maskaxda 3 (FULL) - Ku Raaxayso Noloshaada

    Inta aad nooshahay waxa ugu weyn oo farxad ama murug ku dareensiiya waa sida aad u fekerayso. Sababta aad ugu raaxaysan wayday noloshaada waa natiijad ka dhalatay qaabka liita ee aad u isticmaalayso maskaxdaada. Qaybtan wuxuu si dhab ah kaaga caawin doonaa:

    Sida loo oggaado waxa si dhab ahaan kuu farxad geliya.

    Sida aad u qaadan lahayd mas’uuliyadda nafsadaada.
    Sida ugu fiican ee loo dejiyo hadafyadaada iyo sida degdeg loogu gaaro hadaf kasta oo aad leedahay noloshaada.
    Sida aad ugu raaxaysan lahayd inta yar ee aad haysatid.
    Sida aad ku oggolaan lahayd noloshaada.
    Sida loo noqdo mid mar walba Alle u mahadceliya.
    Sida wax walba dhinaca wanaagsan loogu fiiriyo.
    In aadan is barbardhigin.
    Sida aad u ahaan lahayd qofka adiga aad tahay, una joojin lahayd saamaynta hadallada dadka.

    37 min
  • Hooyo Macaan - Abubakar Mohammed & Ilyas moa

    Hooyooy Macaan 

    Adigaa aduunka I keenay

    Adigaa uurka igu qaaday
    Adigaa dhiigaaga nuugay
    Adigaa Ifka igu barbaarshay
    Hooyoy Abaalkaga Bini’adam gudi waayay
    Amaantaada hooyo waan soo koobi kari waayay

    Marka ku arko waan

    Ka maqsuudi la
    Murugadan qabee
    Hooyo macaan 

    Muuqaagu wuu Iga meydhi la

    Dhibtaan so maree Hooyo macaan
    Intan ka maqnay
    Waan magano
    Manfac iyo hurdaba
    Wayska maanacee hoyoo macaan

    Maa aragtida

    Waxay Ila mid tahay
    Anigoo makkah iyo madinaba tagoo
    Xajka soo maree
    Hooyo magan ilaah Markastaba ahow 

    Maamoy dhib aah

    Ila soo martee
    Miisaan xaq aah
    Lama maagi karee
    Mininkaa janada mowla haka dhigo
    Mamoy macaan mowla haka dhigo

    Allow Hooyo Hoygeeda Janada Fardowsa ka Yeel

    Allow Hooyo Hamigeda U Yeel
    Allow Hooyo Kitaabkeeda midig ka sii
    Allow ugu deeq farxad, caafimaad, cumri dheer,
    Allow Hooyo ugu Naxariiso siday yaraanteyda iigu naxariisan jirtay

    Maa aragtida

    Waxay Ila mid tahay
    Anigoo makkah iyo madinaba tagoo
    Xajka soo maree
    Hooyo magan ilaah Markastaba ahow 

    Maamoy dhib aah

    Ila soo martee
    Miisaan xaq aah
    Lama maagi karee
    Mininkaa janada mowla haka dhigo
    Mamoy macaan mowla haka dhigo

    4 min
  • Raaxada Ruuxda 2 - Ku Raaxayso Noloshaada

    Marka aan raadiyay waxa ay ku raaxaysato ruuxdu, waxaan oggaaday qofka kaliya oo ii sheegi kara jawaabtaas in uu yahay midka abuuray ruuxda iyo dadka oo dhan; Allaah, kadib waxaan ka baaray Qur’aanka iyo sunnada, waxaan oggaaday in ruuxda aysan raaxaysanaynin illaa marka ay u dhowaato midka abuuray, Allaah! Waxaan soo qaadan doonnaa qaybtan:

    • Macaanka uu leeyahay iimaanka iyo sida aan u heli lahayn macaankaas.
    • Raaxada salaadda laga helo iyo sida aad ugu raaxaysan lahayd salaadda.
    • Deggenaanshaha qalbiga halka laga helo.
    • 18 min

    About Abubakar Mohammed

    From the publisher's feed

    Abubakar Mohammed is a Somali motivational speaker, author and a life-coach from the Netherlands. Along with his older brother Omar Mohammed, he became famous through online motivational speeches and…

    More shows like Abubakar Mohammed

    Somali Show by Mohamed

    Somali Show

    8 Listeners