Ladnaan Podcast

Ladnaan Podcast

By Fatumo & SagalParentingKids & Family
Download on the App Store

Ladnaan Podcast episodes

  • #44: Waa maxay Burn-out? Sideena looga hortagi karaa?

    Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

    Xalaqadeenaan waa xalqad ay dhageystayaal badan naga codsadeen inaan wax ka sheegno. Mawduuca maanta aan soo qaadaneyno waa Burn-out. 
    Waxaanu xalqadaan kaga hadleynaa calaamadaha lagu garto, marxaladaha kala duwan iyo waxaad ka qaban karto.
    Haddaba waxaan dhageystayaasheena xusuusineynaa in markaan calaamadaha sheegno kadib aysan bilaabin ineeysan diagnos isku sameeyn. Hadaad shaki iska qabto la xiriir dhaqtarkaaga ama raadso dhaqtar. 

    Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
     
     Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
      Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected] 

    40 min
  • #43: Sideed tahay adiga waalidka ah ee caruurta yar-yar haysta?

    Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

    Waa sidee dareenka waalidka caruurta yaryar haysta? Ma waxaad dareemeysaa farxad iyo reyn reyn, mise stress? maxaad sameeysaa si aad uga baxdo mar marka qaarkii stress-ka waalidnimada keenta? Haddaba xalqadan waxaan kuugu haynaa talooyin. 

    Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
     
     Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
      Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

    22 min
  • # 42: Sideen caruurteena uga badbaadinaa shaashada & aaladaha elektorooniga?

    Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

    Sanad wanaagsan ayaan idin leenahay dhageystayaasheena meel walbo oo aad joogtaan. Anagoo weli ku guda jirna caruurta da'dooda u dhaxeeysa 1-6 jir waxaan xalqadan idinkugu haynaa dhibaatooyin ay waalidiinta adduunka dhan ay isla wadaagaan oo ah sideen uga badbaadinaa caruurteena shaashada iyo aaladaha elektorooniga?

    Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye
     
     Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
      Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

    29 min
  • #41: Part 3-Marxaladaha horumarinta caruurta jirta 4-5 jir

    Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

    Taxanaheenaan sedexaad wuxuu ka hadlayaa Marxalada Horumarka Koriinka Caruurta jirta 4-5 sano jir waxaan kaga hadleynaa sidaan u xoojin leheen dareenka caruurta iyo shucuurtooda. Waxaan kusoo qaadaneynaa talooyin iyo tusaalooyin waxtar leh.

    Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

    Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
     Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

    36 min
  • #40: Part 2: Marxaladaha Horumarka Koriinka Caruurta 1-3 jir

    Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

    Taxanaheenaan labaad ee Marxalada Horumarka Koriinka Caruurta jirta 1-3 sano jir waxaan kaga hadleynaa sidaan u xoojin leheen dareenka caruurta iyo shucuurtooda. Waxaan kusoo qaadaneynaa talooyin iyo tusaalooyin waxtar leh.

    Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

    Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
     Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

    29 min
  • #39: Marxaladaha Horumarka Koriinka Carruurta, 1-3 sano jir- Part 1

    Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

    Waxaan dhowr xalqadood oo soo socda kaga hadli doonaa Marxalada Horumarka Koriinka Caruurta jirta 1-5 sano jir. Qeybtaan ugu horeeysa waxaan kaga hadleynaa 1-3 jir iyo shanta marxalood ee ugu waaweyn. Ha moogaanin qeybta 2-aad oo aan sii wadi doono. 

    Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

    Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
     Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

    32 min
  • #38: Sideen u jecleysiinaa caruurteena iskuulka

    Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

    Xalqadeena waxaan kaga hadleynaa sideen u jecleysiinaa caruurteena iskuulka. 
    Caruur badan ayaa dhacda in isbuuc ama dhowr isbuuc kadib iskuulkii naca oo yiraahda ma rabo inaan iskuulka aado. Sababaha keentana weey badan tahay. Xalqadeenaan waxaan kaga hadleynaa xalalka uu waalidka sameeyn karo markeey caruurtiisa ka caajisaan iskuulka ama ay diidaan ineey sameeyaan waajibaadyada looga soo diray iskuulka. 

    Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

    Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
     Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

    28 min
  • # 37: Sidaan caruurta ugu diyaarin leheen iskuul sanadeedka

    Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

    How to prepare children for the school start.

    Xalqadeenaan waxaan siin doonaa waalidiinta talooyin ay ku dabaqi karaan una isticmaali karaan isku diyaarinta sanad dugsiyeedka.

    Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

    Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
    Waxaan dhageystayaasheena weydiineynaa su'aal ah, miyeeynu u baahan nahay inaan soo saarno dating Somali App? Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

    46 min
  • # 36: Wareysi Luul oo ah social worker/social sekreterare

    Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

    Haddaba xalqadeena waxaan mar labaad ku casumnay Luul oo aan horay kaga wareeysanay howsha ay qabtaan adeega bulshada ee Sweden. Xalqadeenaan waxaan ka hadleynaa oo ay Luulna nooga jawaabeysaa su'aalo ka yimid wareystayaasheena. Waxayna xalqadani qaas u anfaceysaa waalidiinta ku nool Sweden. Waalidiinta wadamada galbeedka kale degan xataa waxay ka faaiideysan karaan waxyaabo badan.

    Heesta horudhaca iyo dhamaadkaba waxaan iskaleh Maslax Mideeye. Waa heesta Hiil loogu wado naafada. Maslax Youtube kiisa ka dhageeyso, heestii oo dhameystiran. https://www.youtube.com/watch?v=5dB1Lf_6EyA&ab_channel=MaslaxMideeye

    Logo Ladnaan podcast waxaa inoo sameeyay Yaxye Jacfar @awjacfar 
    Waxaan dhageystayaasheena weydiineynaa su'aal ah, miyeeynu u baahan nahay inaan soo saarno dating Somali App? Wixii ra'yi ama talo nala soo wadaaga: [email protected]

    48 min
  • Special episode: Guur & Gayaan

    Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!

    Xalqadaan Ladnaan podcast waa mid ka gedisan xalqadihii aad nooga barateen. Waa special episode oo aan ugu tala galnay inaan warbixin ka bixino mawqac ama Platform la yiraahdo Guur & Gayaan. Dhageyso oo nala wadaag ra'yigaaga. Wixii su'aalo ah noogu soo dir: [email protected]
    Mawqaca Guur & Gayaan waxaad kasoo geli kartaa Instagram account: @guur_iyo_gayaan

    Heesta intro iyo dhamaadka waa heesta Cabdi Hani, Wiil Goboo

    13 min

About Ladnaan Podcast

From the publisher's feed

Being a parent is both a great joy and at the same time stressful and overwhelming, especially if you are rising your child in a different culture and context than yours. In one moment, we feel…