
Sign up to save your podcasts
Or


Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!
Waa maxay isku xirnaanta waalidka iyo cunugiisa qaangaarka ah? mala arki karaa? mala dareemi karaa? Isku xirnaanta waa baahi ku abuuran waxwalbo oo noola ah qaasatan bini’aadamka. Waa mid ilaahay ku abuuray inuu u baahan yahay cidkale oo uu dareemo inuu ka tirsan yahay ama ku tiirsan yahay.
Haddaba ka dhageyso qeybteenaan sida uu waalidka uu xoojin karo xiriirka caruurtiisa qaangaarka ah.
Waxaan kaloo qeybtaan idinkugu soo bandhigi doonaa jawaabihii kasoo baxay sahanka.
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!
Maanta waxaan mawduuceena ku bilaabeynaa sheeko ay hooyo soomaaliyeed noola wadaagtay. Waxay tiri: wiilkeyga wuxuu ahaa mid ii baari ah oo warkeyga maqla. Wuxuu ahaa kan ugu baarisan ilmaheyga oo dhan. Sanadkaan markii ii iskuulka ku laabtay waxaan ka dareemayaa isbedel badan. Wiilkii hore ma’aha oo faraxsanaa, waa maxay isbedelkaa maxaanse sameeyaa. Bal haddaba ka dhageyso jawaabaha aan bixineyno qeybtan.
Waxaan kaloo walaalaha ka codsaneynaa ineey nooga soo jawaabaan sahankaan oo aan jecelnahay inaan ku hormarino Ladnaan podcast.
https://sv.surveymonkey.com/r/TJDRMZN
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!
Waa sanadguuradii 1-aad ee Ladnaan Podcast. Waxaan xalqadeena kaga hadalnay hadafka aan u aasaasnay Ladnaan podcast, maxaa nagu guubaabiyay inaan sii wadno, xalqadaha labadeenaba aan jecelnahay iyo weliba waxaan ka hadalnay mustaqbalka Ladnaan.
Waxaan dhageystayaasheena ka codsaneynaa ineey nooga soo jawaabaan dhowr su'aalood oo aan jecelnahay inaan ra'yigiina dhageysano si aan howsheena Ladnaan usii wadno oo aan soo deyno barnaamijyo idin xiisa gelinaya. Waxay keliya oo ay qaadaneysaa ilaa 4 min. ka jawaabisteeda.
Guji linkigaan: https://sv.surveymonkey.com/r/TJDRMZN
Ladnaan listeners - we are running a survey and we'd love to hear whay you think of the podcast. Please give us some feedback at https://sv.surveymonkey.com/r/TJDRMZN
It only takes a few minutes, and it really helps us improve the podcast.
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!
· Waxaan qeybaheena soo socda kaga hadli doonaa caruurta da’da iskuulka 7-18 jir iyo horumarkooda ama kobacooda jir ahaan, garaad ahaan, shucuur ahaan iyo xiriirkaba.
· Qeybteenan ugu horeysa waxaan diirada saareynaa caruurta da’da 7-12 jir ah
· Waxaan marka hore ka hadli doonaa horumarka iyo kobcinta caruurta kadibna waxaan soo qaadan doonaa tusaalooyin iyo talo
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!
Xalqadan waxaan idiin soo bandhigi doonaa wareysi aan la yeelanay waalidiin ilmahooda keligooda korsanaya, caqabadaha ay la kulmeen iyo waxyaabaha u fududeeyay. Waxay kaloo waalidiintaan nala wadaageen talooyin aad iyo aad u wanaagsan oo uu waalid walba u baahan yahay. Dhageysi wacan.
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!
Waxaanu xalqadan kaga hadleynaa waalidka korinaya ilmihiisa keligii. Saamaynta ay ciyaalka ay ku leedahay in hal waalid oo kaliya uu koriyo. Saamaynta ay waalidka korinaya ku leedahay. Sidee saameynahaa looga badbaadi karaa, maxaase waalidka looga baahan yahay?
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!
Lamaanahaaga miyaad aqbashay mise waad u dulqaadatay?
Do you have a tolerance or acceptance in your marriage?
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!
Qeybtan waxaan uga hadli doonaa sida aan u kobcin lahayn qoyskeena bisha ramadanka. Waxaanu isku deyi doonaa inaanu ka hadalno wixii talo ama khibrad inoo shaqaysay ama mid aanu ku fakarnay ah inaad idinla wadaagno. Waxaanu ka hadleynaa siduu qoysku isugu diyaarin lahaa bisha ramadan si wadajir ah, waxay sameeyn lahayn inta bisha barakeysan lagu gudo jiro, iyo sideey ciidaba isugu diyaarin lahaayeen.
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!
Qeybtan waxaan kaga hadli doonaa muhiimada ay leedahay inay hooyadu ama qofka dumarka ah leedahay inay is daryeesho si ay u daryeesho dadka mas’uuliyada ka saran. Qof tiisa daryeelaa ayaa midkalena daryeeli kara.
In this episode, we will talk about the importance of the mothers to take care of themselves so they can take care of their family.
Nala wadaag aragtidaada xalqadaan, mahadsanid!
Qeybteenaan waxaan uga hadleynaa muhiimada ay hooyada iyo dumarku leeyihiin.
We have dedicated this episode to all women and mothers.
From the publisher's feed
Being a parent is both a great joy and at the same time stressful and overwhelming, especially if you are rising your child in a different culture and context than yours. In one moment, we feel…