
Sign up to save your podcasts
Or


Qaybtan cusub ee Miizan Podcast, martida waa Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin. Wuxuu ka jawaabayaa su’aalaha ugu kulul ee siyaasadda Soomaaliya:
Dacwadda Sheekh Shariif Sheekh Axmed ee Maxkamadda Sare
Ma dhici doonaa firaaq dastuuri? Muddo-xileedka: 4 sano mise 5?
Waafajinta dastuurka federaalka iyo dowlad goboleedyada
Madax-bannaanida garsoorka iyo Golaha Sare ee Garsoorka
Doorashada qof iyo cod, jadwalka doorashada iyo wadahadallada mucaaradka
Waraysiga waxaa wadday: Alinur Salad iyo Maxamed Ibraahim Fanax
Time Code:
00:00 Hordhac
01:16 Soo dhaweynta Wasiir Xasan Macallin
02:34 Yaa leh masuuliyadda dhaqangelinta dastuurka?
03:42 Go'aannada Golaha Wasiirada iyo qorshaha hirgelinta dastuurka
08:30 Go’aanka kala saaridda xilka wasiirnimada iyo xildhibaannimada mala gaaray?
10:06 Maxaa ku dhacaya Xukuumadda haddii wasiirada xildhibannada ah ay iscasilaan?
12:50 Maxaa keenay in qodobada qaar ee Dastuurka la hirgeliyo qaarna aan la hirgelin?
14:49 Maku filantahay fulinta dastuurka 5 sano?
19:32 Dowlad goboleedyaa sidee hirgrlintiisa uga qeybqaadan karaan dastuurka?
22:46. Ma jirtaa Cabsi ah in hadii xukuadda hadda jirto ay baxdo dastuurka cusub lagu dhaqmin?
26:26 Dhaliisha mucaaradka iyo wadar-ogolaanshaha dastuurka.
32:11 Is - waafajinta dastuurka federaalka iyo dowlad goboleedyada
37:00 Muxuu yahay qorshaha faafinta dastuurka?
41:31 Dacwadda Sheekh Shariif ee Maxkamadda Sare
49:17 Haddii dacwadda dastuurka looga guuleysto dowladda ma aqbalaayaan?
50:22 Madax-bannaanida garsoorka iyo Golaha Sare ee Garsoorka
01:00:31 Muranka doorashada qof iyo codka ah
01:08:46 Maxay tahay waxyaabaha la isku haystay?
01:12:02 Maxaa baaajiyey wadahaladda 19 October?
01:13:30 Xiisadda Muqdisho,wadahadallada mucaaradka iyo jadwalka doorashada
👍 Like garee, subscribe garee, una gudbi saaxiibbadaa.
💬 Fikirkaaga nagala wadaag qaybta faallooyinka: ma dhici doonaa firaaq dastuuri?
#MiizanPodcast #Soomaaliya #Dastuurka #Doorashada #SheekhShariif #XasanMacallin #SomaliPolitics
Ku soo dhawaada xalqad cusub oo ka tirsan Miisaan Podcast!
Wareysigan, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya (SoDMA), Maxamuud Macallin, ayaa si qoto dheer uga hadlay xaaladda bani’aadannimo ee Soomaaliya, khatarta El Niño, fatahaadaha iyo diyaar-garowga dowladda ee roobabka la filayo.
Barnaamijka waxaa daadihinaya Cali Nuur Salaad iyo Xuseen Cabdi Aadan.
Guddoomiyaha ayaa ka jawaabay su’aalo muhiim ah oo ku saabsan khatarta fatahaadaha, tirada dadka ay saameyn karto, miisaaniyadda gurmadka, gaarsiinta gargaarka, wacyigelinta bulshada, iyo caqabadaha haysta SoDMA.
📌 Qodobada ugu Muhiimsan ee Wareysiga:
El Niño iyo khatarta fatahaadaha: Maxay Soomaaliya ka filan kartaa roobabka El Niño, xaggee ayay fatahaaduhu u badan yihiin, inteese ayay socon karaan?
3.5 Milyan oo qof oo khatar wajahaya: Guddoomiyaha ayaa ka hadlay qiyaasta dadka ay saameyn karto xaaladda El Niño iyo khasaaraha dhaqaale ee laga filayo.
Diyaar-garowga dowladda: Sidee ayay dowladda Soomaaliya ugu diyaar-garoobaysaa fatahaadaha, maxaase laga qabtay 29-ka magaalo ee loo aqoonsaday meelaha halista badan?
Miisaaniyadda El Niño: Imisa lacag ah ayaa loo qiyaasay qorshaha gurmadka, inteese dowladda Soomaaliya hadda heli kartaa?
Fatahaadaha Webiyada Jubba iyo Shabeelle: Sidee loo diyaariyey gurmadka dadka ku nool deegaannada ku dhow webiyada, oo ay ku jiraan 71 doonyood oo loo qorsheeyay samatabbixin?
Wacyigelinta bulshada: Sidee SoDMA iyo hay’adaha kale ugu gudbinayaan shacabka digniinaha iyo macluumaadka ku saabsan khatarta soo socota?
Gargaarka bani’aadannimo: Maxaa caqabad ku ah gaarsiinta cuntada, hoyga, biyaha iyo adeegyada kale ee gargaarka?
Deegaannada Al-Shabaab ka taliso: Sidee xaaladda bani’aadannimo looga jawaabi karaa meelaha ay dowladda si buuxda uga hawlgeli karin?
Cabashooyinka iyo qaybinta gargaarka: Sidee loo xulaa dadka iyo degmooyinka gargaarka la gaarsiinayo, sideese loo maareeyaa cabashooyinka bulshada?
Musuqmaasuqa iyo hufnaanta gargaarka: Maxay SoDMA ka qabanaysaa si loo hubiyo in gargaarku gaaro dadka loogu talagalay?
Caqabadaha SoDMA: Maxay yihiin caqabadaha ugu waaweyn ee hay’adda ka haysta dhinaca miisaaniyadda, agabka iyo awoodda gurmadka?
Hiigsiga SoDMA: Waa maxay qorshaha hay’addu u leedahay maareynta musiibooyinka iyo diyaar-garowga mustaqbalka?
🔔 Haddii aad ka heshid barnaamijkan, fadlan SUBSCRIBE dheh, LIKE-na saar, si aad u hesho wareysiyada iyo barnaamijyada kale ee muhiimka ah!
⏱️ Time Code
00:00 — Hordhac
02:16 — Dhibaatooyinka ka dhalan kara El Niño
07:23 — Sidee loogu diyaar-garoobay El Niño?
12:35 — Miisaaniyad intee le’eg ayaa loo hayaa El Niño?
13:52 — Tallaabooyinka la qaaday ee looga hortagayo El Niño
16:02 — Wacyigelinta ku saabsan El Niño
18:42 — Cabsida laga qabo cunto-yaraan
20:04 — Sidee looga gudbi karaa miisaaniyad-yarida?
22:58 — Sidee loo xulay degmooyinka gargaarka la gaarsiinayo?
24:42 — Fatahaadaha: Maxaa laga qabtay?
27:29 — Maxaa iska beddelay aragtida bulshada ee iskaashiga?
30:04 — Sanduuqa Maareynta Musiibooyinka iyo doorkiisa
31:54 — Hay’addu ma leedahay goob loogu talagalay tabarucaadka?
36:08 — Sidee Ciidamada Soomaaliyeed uga qayb qaadan karaan gurmadka?
38:09 — Dadka ku nool deegaannada Al-Shabaab ka taliso iyo xaaladdooda
40:40 — Al-Shabaab ma laga hadlay arrimaha bani’aadantinimada?
42:41 — Kaalmada Dowladda Shiinaha
45:10 — Fariinta Guddoomiyaha SODMA
47:48 — Magaalada Muqdisho iyo khataraha ay wajihi karto
50:01 — Kaalmadii oo dhan ayuu Maraykanku jaray
53:01 — Sidee loo xaliyay arrinta hoggaamiyeyaasha bulshada?
55:41 — Sidee u shaqeeyaa nidaamka cabashada dadweynaha?
57:00 — Gargaarkii Hiiraan ee hadal-heynta dhaliyay
59:28 — Khilaafaadka siyaasadda iyo gargaarka
1:03:22 — Xildhibaannada iyo doorkooda ku aaddan gargaarka
1:05:08 — Khayre iyo SODMA
1:09:15 — SODMA ma haysataa miisaaniyad ku filan?
1:15:32 — Caqabadaha SODMA
1:19:11 — Hiigsiga SODMA
1:23:19 — Cudurrada ka dhasha fatahaadaha
1:25:52 — Xaqiiqada warbixinnada
1:29:20 — Ka-hortagga musuqmaasuqa ee gargaarka
1:31:53 — GABOGABO
📍 Subscribe: @dawan_tv
💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka
🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!
🌐 https://www.dawan.so/
🌐 https://www.dawan.africa
🌐 https://www.bawaba.africa
📱 Download Dawan App Today:
https://onelink.to/5vv232
#MiisaanPodcast #SoDMA #ElNino #CaliNuurSalaad #XuseenCabdiAadan #Soomaaliya #Fatahaad #Gargaar #DawanMedia
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa wareysi gaar ah siiyey Dawan TV, gaar ahaan Miizaan Podcast oo ah barnaamij toddobaadle ah. Wareysiga waxaa la yeeshay Alinuur Salad iyo Husein Abdi Adam.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ka hadlay:
- Xiriirka isaga iyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
- Waxqabadka Xukuumadda ee amniga iyo dhaqaalaha.
- Dagaalka Al-Shabaab iyo halka ay ku dambeeyeen ciidamadii Macaawiisleyda.
- Khilaafaadka dowladda federaalka kala dhexeeya Puntland iyo Jubaland.
- Wax ka beddelka dastuurka iyo qorshaha doorashada qof iyo cod.
- Arrimaha Laftagareen, Gedo iyo awoodda xisbiyada siyaasadeed.
- Muranka dhulka, dhismaha waddooyinka iyo qorshaha Muqdisho Cusub.
- Aqoonsi raadinta Somaliland iyo tartanka xilalka agaasimayaasha dowladda.
🔔 Subscribe dheh Dawan TV si aad ula socoto qaybaha cusub ee Miizaan Podcast. Fikirkaaga ku reeb faallooyinka.
Time Code
00:00 Hordhac
02:15 Amniga, dhaqaalaha iyo qorshayaasha kale maxaa Xukuumadda u hirgalay?
17:15 Amniga, jawaabta laaluushka Al-shabaab iyo qorshaha Dowladda ee nabadda.
25:10 Halkee ayay ku danbeeyaan Ciidamadii Macaweesleyda?
28:37 Dagaaladii Puntland, Jubaland iyo dowladda
33:25 Qorshaha xiryaha ciidamada militariga ee guud ahaan dalka
39:15 Dagaalkii Malmiskaad, kala goynta Soomaaliya
42:25 Hanaanka loo maray dhameystirka iyo wax-kabadalka Dastuurka iyo rabitaanka Madaxweyne ku xigeen ee Xamse
48:39 halka sano ee 4-ta 5-ta iyo kala shaadheynta Xildhibaanadda iyo Golaha wasiiradda hirgalintooda maxaaa hor taagay?
53:30 Doorashada Qof iyo codka ah hirgalinteeda iyo midda dadban
1:06:34 Laftagareen maxaa banaanka geeyay?
1:15:16 JSP iyo awoodda xisbiyada kale farqiga u dhaxeeya, iyo arinta Gedo
1:28:40 Arimaha Dhulka ilaa intee ayuu jiraa?
1:36:28 Xaalka Arimaha Aqoonsiga Somaliland iyo saldhigga ciidan ee Isra’il
1:42:45 Tartanka agaasimayaasha dowladda
1:48:10 Dhismaha wadooyinka, qorshaha Xukuumadda iyo Muqdishada Cusub
1:54:48 Maxaa xafiiska ra’iisul wasaaraha u diiday inuu xarunta cusub?
1:57:35 sirta heynta xilka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya
2:03:47 Gabagabo
📍 [Dawan TV](https://www.youtube.com/@Dawan_tv)
🌐 [Dawan TV](https://www.dawan.so/) | [Dawan Africa](https://www.dawan.africa) | [Bawabah Africa](https://www.bawabah.africa)
#XamseCabdiBarre #MiizaanPodcast #DawanTV #Soomaaliya #Doorashooyinka
Miizaan Podcast waxaa todobaadkaan marti ku ah Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Egeh, oo ka hadlay arrimo muhiim ah oo la xiriira dhaqaalaha dalka iyo qorshayaasha dowladda.
Wasiir Biixi Imaan Egeh wuxuu kaga hadlay barnaamijka:
Xaaladda guud ee dhaqaalaha Soomaaliya
Saameynta dhaqaalaha hakadka galay ee dowladda
Mushaharka shaqaalaha dowladda iyo kharashaadka mushaharka
Walwalka ku saabsan bixinta mushaharka shaqaalaha
Jawaabta uu ka bixiyay eedeymo la xiriira dhaqaalaha
Awoodda fulinta mashaariicda dowladda
Maalgashiga Dowladda Soomaaliya iyo qorshayaasheeda
Awoodda Bangiga Dhexe ee korjoogteynta hay’adaha maaliyadeed iyo ka hortagga lacag-dhaqidda
Horn of Africa Initiative iyo doorkiisa
Xalka dhibaatooyinka isbeddelka cimilada
Daahfurnaanta iyo ka-qaybgalka bulshada ee dhaqaalaha dowladda
Koritaanka dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya
🎙️ Martida: Biixi Imaan Egeh – Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya
🎤 Daadihiyeyaasha: AliNur Salad & Mohamed Ibrahim Fanah
📺 Barnaamijka: Miizaan Podcast
🏢 Dawan Media
Time Code:
00:00 Hordhac
02:50 Xaaladda Guud ee Dhaqaalaha Soomaaliya
06:34 Saameynta Dhaqaalaha Hakadka Galay ee Dowladda
18:00 Mushaharka Ugu Badan Intee Ayay Dowladda Ku Bixisaa?
24:00 Ma Jiraa Walwal Mushahar-bixinta Shaqaalaha ah?
31:39 Jawaabta Biixi ee Eedeynta Khayre ee Arrimaha Dhaqaalaha
46:25 Jawaabta Biixi ee Eedda Awood-yaridda Fulinta Mashaariicda
1:00:00 Maalgashiga Dowladda Soomaaliya iyo Qorshaheeda
1:08:50 Awoodda Bangiga Dhexe iyo Ka-hortagga Lacag-dhaqidda
1:29:18 Horn of Africa Initiative – Maxuu Yahay?
1:39:42 Xalka Dhibaatooyinka Isbeddelka Cimilada
1:51:17 Daahfurnaanta iyo Ka-qaybgalka Bulshada ee Dhaqaalaha Dowladda
2:03:37 Koritaanka Dhaqaalaha Gaarka ah ee Soomaaliya
2:10:17 Gabagabo
Subscribe garee Dawan Media, la wadaag barnaamijka, kana qayb qaado doodda adigoo faallooyinka ku reebaya aragtidaada.
📍 Subscribe: / @dawan_tv
💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka
🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!
https://www.dawan.so/
https://www.dawan.africa
https://www.bawaba.africa
Kusoo dhawaada qeyb cusub oo ka mid ah Miizaan Podcast, oo martideena Tododbaadkan uu yahay Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabduqaadir Cali.
Wasiirka ayaa ka hadlay arrimo badan oo quseeya dhallinyarada Soomaaliyeed, maamulka Golaha Dhallinyarada Qaranka, qorshaha Wasaaradda, safarrada dhallinyarada loo diro dibadda, tahriibka, iyo doorka dowladda ee horumarinta fursadaha dhallinyarada.
Sidoo kale, wareysiga waxaa lagu falanqeeyay xaaladda ciyaaraha Soomaaliya, caqabadaha horyaallada kubadda cagta, qaabka loo xulo ciyaartoyda Xulka Qaranka, xiriirka hay’adaha ciyaaraha, iyo kaalintii dowladda ee arrintii garsoore Cumar Cabduqaadir Cartan.
Qodobada ugu waaweyn ee barnaamijka:
Maxaa hortaagan in Golaha Dhallinyarada Qaranka uu is doorto?
Sidee Wasaaradda Dhallinyaradu u xulataa dadka safarrada loo diro?
Sidee looga hortagayaa tahriibka dhallinyarada?
Maxaa ka dambeeyay geerida Saamiyo ee tahriibka?
Doorka dowladda Soomaaliya ee taageerada Garsoore Cumar Cartan
Mustaqbalka ciyaaraha iyo garoomada Soomaaliya
Qaabka loo dhiso Xulka Qaranka Soomaaliyeed
Dib-u-habeynta Golaha Olombikada Soomaaliya iyo xiriirka kubadda cagta
Miizaan Podcast waxaa daadihinaya Cali Nuur Salaad iyo Maxamed Ibraahim Fanax oo Dawan ka tirsan.
Time Code
00:00 Hordhac
01:30 Qaybaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
03:28 Muxuu ka qabtay waaxda dhallinyarada?
13:26 Sidee u dhisan yahay Golaha Dhallinyarada Qaranka?
18:06 Muxuu u eryay guddoomiyihii Golaha Dhallinyarada Qaranka?
22:55 Maxay tahay dib-u-habeynta lagu wado Golaha Dhallinyarada Qaranka?
25:59 Maxay tahay ujeeddada dib-u-habeynta Golaha Dhallinyarada Qaranka?
30:44 Maxaa iska beddelay miisaaniyadda Wasaaradda ee 2026?
36:29 Sidee lagu soo xulay dhallinyaradii loo diray Morocco?
46:55 Wasaaradda Dhallinyarada ma ku lug leedahay tahriibinta dadka?
48:30 Maxaa ka jira eedaha loo jeediyay Wasaaradda ee la xiriira eryidda guddoomiyihii Golaha Dhallinyarada?
54:53 Wasiirka iyo Bonooniga
55:49 Sidee ayay Soomaaliya ugu suuragashay in Koobka Adduunka lagu soo hadal qaado?
59:08 Door noocee ah ayay Wasaaraddu ka qaadatay xallinta caqabaddii Cumar Cartan?
01:01:58 Dowladda ma difaacday Cumar?
01:07:25 Sidee ayay Wasaaradda, xiriirrada isboortiga iyo hay’adaha kala duwan u wada shaqeeyaan?
01:18:30 Maxaa sababa xiise la'aanta horyaalka kubadda cagta Soomaaliya?
01:25:10 Ma madax-bannaan yahay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed?
01:27:53 Sidee ayay u dhisan yihiin Guddiga Olombikada Soomaaliyeed?
01:40:01 Maxaa uga qorsheysan ciyaartoyda Soomaaliyeed ee dibadda ku nool?
01:42:16 Maxaa uga qorsheysan doorashada Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed?
Kusoo dhawaada xalqad xasaasi ah oo kamid ah Miizaan Podcast, oo si toos ah idin kaaga imaanaysa magaalada Jowhar!
Xalqadaan oo ay daadihinayaan Ali Nur Salad, iyo Xuseen Cabdi Aadan waxaan marti ku ah Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle, Ali Abdullahi Hussein (Ali Guudlaowe).
Waxaan si qoto dheer u weydiinay su'aalo khuseeya:
Xaaladda amniga ee Jowhar iyo dhibaatada jidka isku xira Muqdisho iyo Jowhar (90km).
Isbaarooyinka iyo amniga wadooyinka Hirshabelle.
Miisaaniyadda, canshuuraha, iyo daah-furnaanta maamulka dhaqaalaha.
Mashaariicda xasilinta ee laga fuliyay deegaanadii laga xoreeyay cadowga.
Muddadii uu xafiiska joogay maxaa u qabsoomay maamulka Hirshabelle, maxaase dhiman? Daawasho wacan!
La wadaag asxaabtaada, na sii saar Subscribe si aadan u seegin xalqadaha dambe!
Time Codes
00:00 - Hordhaca Miizaan Podcast iyo Soo dhawaynta Martida (Jowhar)
01:39 - Arrimaha Amniga:
06:16 - Maamul Daadejinta Hirshabeelle
12:39 - Mashaariicda Hirshabeelle
28:15 - Isbaarooyinka
29:11 - Dakhliga Hirshabeelle
30:09 - Doorsahooyinka
33:48 - Ali Guudlaawe Musharrax miyaa?
37:44 - Intee daggen yihiin Masuuliyiinta Hirshabeelle?
📍 Subscribe: / @dawan_tv
💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka
🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!
https://www.dawan.so/
https://www.dawan.africa
https://www.bawaba.africa
Todobaadkan Miizaan Podcast, waxaa marti ku ah Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo si qoto dheer uga hadlay arrimaha siyaasadda Soomaaliya iyo mustaqbalka dalka.
Wareysigan, Cumar Cabdirashiid wuxuu kaga hadlay:
Wada-hadallada u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka
Khilaafka dastuurka iyo doorashooyinka
Xaaladda Puntland iyo doorkeeda siyaasadeed
Arrinta Somaliland iyo loollanka istiraatiijiga ah ee Geeska Afrika
Saameynta quwadaha shisheeye ee gobolka
Iyo su’aasha ugu weyn… Ma yahay musharrax madaxweyne?
Martidu waxay si cad uga jawaabtay su’aalo badan oo bulshada Soomaaliyeed si weyn u hadal hayso, isaga oo bixiyay aragtiyo ku saabsan federaalka, dowlad-dhiska, iyo jihada siyaasadeed ee Soomaaliya.
Martida:
• Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke — Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, waxaa Daadihinaya Cali Nuur Salaad iyo Maxamed Ibraahim Fanax.
Time Code:
00:00 Hordhac
01:53 Wadahadallada Dowladda iyo Mucaaradka
05:59 Wax-ka-beddelka Dastuurka
22:29 Madashu ma ka tirsan yihiin?
24:32 Doorashooyinka
30:21 Dhaqangelinta Dastuurka
32:16 Yaa mucaarad ah?
33:50 Wadahadallada hadda socda ma ku jiraan?
34:54 Xiriirka kala dhexeeya Dowladda
41:08 Puntland
52:12 Hannaanka amniga ee uu soo bandhigay xilligii uu xilka hayay
55:32 Juqraafi-siyaasadeedka Soomaaliya iyo aqoonsiga Somaliland
01:10:31 Dhaleeceynta Trump ee Soomaalida
01:13:05 Faragelinta beesha caalamka ee Soomaaliya iyo saameynta ay ku yeelan karto doorashooyinka
📍 Subscribe: / @dawan_tv
💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka
🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!
https://www.dawan.so/
https://www.dawan.africa
https://www.bawaba.africa
#MiizaanPodcast #DawanTV #CumarCabdirashiid #Somalia #Politics #Puntland #Doorashooyinka #Dastuurka #SomaliPolitics #podcast
Maxaa ka socda siyaasadda Soomaaliya? Maxay mucaaradku uga cabanayaan dowladda? Maxaa sababay xiisaddii Muqdisho ka dhacday?
Qeybtan Miizaan Podcast, waxaan ku wareysaneynaa hoggaamiyaha xisbiga Xisbiga Wadajir, ahna xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.Waxaa daadaihinaya Cali Nuur Salaad iyo Xuseen Cabdi Aadan.
Wareysigan, Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu si faahfaahsan uga hadlay:
Xiisaddii Muqdisho iyo sababaha keenay
Muranka doorashooyinka Soomaaliya
Eedaha la xiriira arrinta dhulka
Mudaharaadyada mucaaradka
Hub-ka-dhigista iyo amniga caasimadda
Wadahadallada u socda dowladda iyo mucaaradka
Wuxuu sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku saabsan hoggaanka Hassan Sheikh Mohamud, sharciyadda doorashooyinka, iyo mustaqbalka siyaasadda Soomaaliya.
Daawo wareysiga oo dhan si aad u fahanto halka uu marayo muranka siyaasadeed ee Soomaaliya.
Timecode
00:00 Hordhac
02:28 Isku dhacyadii Dowladda iyo Mucaaradka
18:41 Hub-ka-dhigista
29:40 Mudaharaadkii isu beddelay dagaalka
42:08 Wadahadallada & dhexdhexaadinta
1:05:58 Mucaradka doorsaho nuucee ah ayeey rabaan?
1:11:36 Odayasha uu u yaqaano “fadlan lacag ku shubo”.
1:14:54 Ma loo diiday Farmaajo in uu isbahaysiyada mucaardka ku biiro?
1:16:49 Maxaa kala gaaray isaga iyo Farmaajo?
1:22:24 Turkiga iyo rajada wadahadalka
1:25:37 Muxuu Galmudug doorashadeeda ka aaminsan yihiin?
📍 Subscribe: / @dawan_tv
💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka
🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!
https://www.dawan.so/
https://www.dawan.africa
https://www.bawaba.africa
Ku soo dhawaada xalqo gaar ah iyo wareysi xiiso leh oo ka tirsan Miisaan Podcast! Wareysigan oo ah kii ugu horreeyey ee uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, siiyo warbaahinta Soomaaliga intii uu xafiiska joogay muddada afarta sano ah ee termka labaad. waxaa daadaihinaya Cali Nuur Salaad iyo Xuseen Cabdi Aadan.
Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga jawaabay su'aalo xasaasi ah oo ku saabsan xaaladda dalka, siyaasadda, amniga, iyo mustaqbalka Soomaaliya.
---
📌 Qodobada ugu Muhiimsan ee Wareysiga:
Iskodhaca Mucaaradka iyo Amniga Caasimadda:Maxaa ka dhacay Muqdisho todobaadkii la soo dhaafay? Ma laga baaqsan karay fowdada, iyo waa kee cadowga dibadda ee dowladda ay farta ku fiiqayso?
Dastuurka iyo Doorashooyinka:Maxay ku kala duwan yihiin dowladda iyo mucaaradka? Madaxweynaha ayaa ka hadlay dib-u-eegista Dastuurka iyo qorshaha doorashooyinka "Qof iyo Cod" ah.
Xiriirka Somaliland iyo Arrimaha Geopolitika:Maxay tahay saameynta dhabta ah ee warkii sheegayay in Somaliland ay aqoonsatay Israel?
Muranka Dhulka ee Muqdisho: Sidee loogu jawaabay eedeymaha ku saabsan in dowladda ay iibsanayso dhulka danta guud, maxayse tahay ujeeddada ka dambaysa nidaaminta jidadka?
Kheyraadka Dalka Shidaalka iyo Macdanta: Maxaa dowladda Turkiga loogu doortay baarista shidaalka badda Soomaaliya, loogana tagay shirkadihii waaweynaa ee Seven Sisters?
Dagaalka Al-Shabaab iyo Ciidanka Cirka iyo Badda: Halkuu marayaa gulufta dagaal ee dib u xoraynta dalka iyo dhismaha ciidammada casriga ah?
Xiriirka Mareykanka iyo Donald Trump:Maxay tahay saameynta khudbadaha madaxweyne Trump ee Soomaalida iyo xayiraadaha fiisaha?
🔔 Haddii aad ka heshid barnaamijkan, fadlan SUBSCRIBE dheh, LIKE-na saar, si aad u heshid wareysiyada dambe ee muhiimka ah!
#XasanSheekh #MiisaanPodcast #CaliNuurSalaad #Soomaaliya #Mogadishu #SiyaasaddaSoomaaliya #Doorashooyinka #Dastuurka
Time Code
00:00 Hordhac
03:28 Ammaanka
25:57 Doorashooyinka
34:57 Wadahadallada
39:32 Dastuurka
49:46 Aqoonsiga Israel ee Soomaaliland
58:26 La dagaallanka Alshabaab
01:04:25 Mareykanka
01:07:56 Dhulalka
01:16:43 Shidaalka
📍 Subscribe: / @dawan_tv
💬 Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka
🔔 Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!
https://www.dawan.so/
https://www.dawan.africa
https://www.bawaba.africa
Xalqadan Miizaan Podcast waxaa marti ku ah Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha Soomaaliya, Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo sidoo kale ah Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka.
Barnaamijka waxaa daadihinaya Cali Nuur iyo Xuseen Cabdi Aadan, waxaana lagu falanqeynayaa xaaladda korontada iyo biyaha Soomaaliya, doorka dowladda ee sharciyeynta shirkadaha gaarka loo leeyahay, sababta qiimaha korontadu weli u sarreeyo, mashaariicda solar-ka, qorshaha lagu dhimayo qiimaha korontada, iyo suurtagalnimada in Soomaaliya koronto ka soo iibsato Itoobiya.
Sidoo kale, wasiirku wuxuu ka hadlay mashaariicda biyaha, xaaladda biyaha Muqdisho, ceelasha magaalada laga saarayo, hoos u dhaca biyaha webiyada, iyo qorshaha wasaaradda ee biyo-gelinta magaalooyin badan oo dalka ah.
Qodobada ugu muhiimsan:
00:00 – Teaser: Wasaaradda maxay qabataa?
02:17 – Hordhaca Miizaan Podcast
06:19 – 500 xarumood oo solar la geliyey
15:39 – Qorshaha lagu dhimayo qiimaha korontada
26:10 – Soomaaliya ma ka soo iibsan kartaa koronto Itoobiya?
35:35 – Xaaladda biyaha Muqdisho
48:54 – Wasiir mise Xildhibaan: Bidhaan muxuu dooran doonaa?
From the publisher's feed