Wakiil Bulsho

Wakiil Bulsho

By Dawan MediaNewsPolitics
Download on the App Store

Wakiil Bulsho episodes

  • S1E8| Muxuu Xildhibaan Cadbow ku eedeynayaa Gudiga Doorashooyinka Qaranka?

    S1E7| Muxuu Xildhibaan Cadbow ku eedeynayaa Gudiga DoorashooyinkaΒ  Qaranka? Download Dawan App Today .
    https://onelink.to/5vv232.

    Daawo wareysiga oo dhammaystiran.

    πŸŽ™οΈ Barnaamijka: Wakiil Bulsho Podcast
    🎀 Martida: Xildhibaan Cabdiraxmaan Isxaaq Maxamed,
    🎬 Wariyaha:  Zakaria Soohoyde
    πŸ“Ί Warbaahinta: Dawan Media

    1 hr 4 min
  • Wakiil | S1E7 | Cabdisamad Macalin: Muranka Dastuurka, Doorashooyinka iyo Khilaafka Siyaasadeed

    Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud, wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha Soomaaliya, ayaa barnaamijka Wakiil Bulsho Podcast ee Dawan Media kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, muranka Dastuurka, doorashooyinka qof iyo cod iyo khilaafaadka u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

    Wareysiga ayuu kaga warramay waayo-aragnimadiisii siyaasadeed, doorkii uu ku lahaa geeddi-socodkii Soomaaliya looga saaray kumeel-gaarnimada 2012, ansixintii Dastuurka Kumeel-gaarka ah iyo isbeddellada ku yimid hannaanka doorashooyinka dalka.

    Waxa kale oo uu ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee la xiriira doorashooyinka soo socda, caqabadaha hortaagan heshiis siyaasadeed, doorka Baarlamaanka Federaalka iyo muhiimadda ay leedahay in khilaafaadka lagu xalliyo wada-hadal.

    Ugu dambayn, Xildhibaan Cabdisamad wuxuu farriin u diray dhallinyarada Soomaaliyeed ee doonaysa inay siyaasadda ku soo biiraan, isaga oo ku boorriyay inay aqoontooda iyo dadaalkooda uga faa’iideeyaan horumarka dalka.

    Daawo wareysiga oo dhammaystiran.

    πŸŽ™οΈ Barnaamijka: Wakiil Bulsho Podcast
    🎀 Martida: Xildhibaan Cabdisamad Macalin Maxamuud
    🎬 Wariyaha: Zakariye Xasan
    πŸ“Ί Warbaahinta: Dawan Media

    Time Code

    00:00 Hordhac iyo soo dhoweynta martida
    01:00 Taariikhda siyaasadeed ee Cabdisamad Macalin Maxamuud
    03:30 Sida uu xilka Wasiirka Arrimaha Gudaha ula wareegay
    05:00 Doorashadii Muqdisho ka dhacday 2012
    07:30 Hannaankii xulista Baarlamaanka 2012
    10:00 Doorka odayaasha dhaqanka iyo nidaamka 4.5
    11:30 Dastuurkii ku-meelgaarka ahaa ee 2012
    14:00 Doorka Puntland ee diyaarinta Dastuurka
    15:30 Farqiga u dhexeeya Dastuurkii 2012 iyo kan cusub
    18:00 Muranka Dastuurka iyo doorka Baarlamaanka
    20:00 Kursiga HOP#139 iyo doorashooyinka hadda socda
    22:00 Qof iyo cod: Fursadaha iyo caqabadaha
    24:30 Doorashooyinka Galmudug iyo ururrada siyaasadeed
    27:00 Cabashada ururka Tawfiiq iyo go'aanka maxkamadda
    29:00 Maxaa sababa kala-guurka siyaasadeed ee Soomaaliya?
    31:00 Khilaafaadka doorashooyinka iyo xalalka siyaasadeed
    33:00 Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka
    35:00 Xeer-hoosaadka Baarlamaanka iyo xaadirista xildhibaannada
    38:00 Muddada xilka Baarlamaanka iyo muranka dastuuriga ah
    40:00 Talooyinka Cabdisamad u jeediyay dhallinyarada
    43:00 Waayihii dhallinyaranimadiisa iyo isbeddelka nolosha
    45:00 Gabagabada barnaamijka

    Ka mid noqo bulshada Dawan Media: Subscribe saar kanaalka, nala wadaag aragtidaada, kuna faafi wareysigan dadka kale.

    #DawanMedia #WakiilBulsho #SomaliaPolitics #Doorashooyinka #DastuurkaSoomaaliya

    46 min
  • S1E6 | Muxuu Musharrax Madaxweyne Cabdikariin ku tilmaamay doorsahooyinka ka socda Soomaaliya?

    Musharrax Cabdikariin ayaa wareysi gaar ah kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, doorashooyinka dalka, khilaafaadka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyo wadahadallada Dowladda iyo mucaaradka.
    Wareysiga waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay arrimaha Somaliland, xiisadda Waqooyi Bari iyo Somaliland, doorka dowladaha shisheeye ee siyaasadda Soomaaliya, dhameystirka Dastuurka, qaabka doorashada iyo aragtida musharraxa ee mustaqbalka Soomaaliya.
    Timecode:
    00:00 – Hordhac
    01:46 – Waa kuma Musharrax Cabdikariin?
    04:20 – Imaanshihii Turkiga ee Soomaaliya iyo doorkiisii
    07:35 – Tabashada bulshada Waqooyi iyo xalkeeda
    08:39 – Wadahadallada Somaliland iyo sababta natiijo la’aanta
    09:27 – Waqooyi Bari iyo Somaliland: Sidee loo wajahayaa xiisadda?
    10:03 – Doorashooyinka dalka iyo aragtida musharraxa
    11:19 – Doorka dowladaha shisheeye ee khilaafaadka Soomaaliya
    13:05 – Doorashada hadda socota iyo aragtidiisa
    14:09 – Mustaqbalka Soomaaliya ee arrimaha doorashooyinka
    15:03 – Wadahadallada Dowladda iyo mucaaradka
    18:40 – Dhameystirka Dastuurka iyo aragtida musharraxa
    20:34 – Caqabadaha horyaalla dowladnimada Soomaaliya
    24:09 – Khilaafka Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada
    26:22 – Afrika ma caasimad ayay tahay? Maxuu ka rumeysan yahay fikraddaas?
    27:03 – Moodooyinka doorashada iyo midka uu taageersan yahay musharraxa
    28:56 – Aragtidiisa musharraxnimo
    31:40 – Fariintiisa bulshada
    35:27 – Kheyraadka dalka iyo sida looga faa’iideysan karo

    37 min
  • S1E5 | Musharrax Cumar Fiqi: Doorashada Qof iyo Codka ah & Amniga Muqdisho | Wakiil Bulsho Podcast

    Doorasho qof iyo cod ah ma ka hirgeli kartaa Soomaaliya? Sidee ayuu Musharrax Cumar Cabdulqaadir Axmed Fiqi u arkaa xaaladda amniga Muqdisho, geeddi-socodka doorashooyinka iyo jihada siyaasadda dalka?

    Xalqaddan Wakiil Bulsho Podcast, Zakariye Hassan ayaa ku waraysanaya Musharrax Madaxweyne Cumar Cabdulqaadir Axmed Fiqi, oo si faahfaahsan uga hadlay:

    Sababta uu mar kale ugu tartamayo xilka Madaxweynaha
    Aragtidiisa ku aaddan doorashada qof iyo cod
    Hannaanka doorashooyinka ay dowladda waddo
    Xaaladda amniga Muqdisho
    Mowqifkiisa ku saabsan dhammeystirka dastuurka
    Doorka beesha caalamka
    Qorshihiisa haddii uu ku guuleysto doorashada

    Time Codes
    00:00 Hordhac
    02:01 Waa kuma Musharrax Cumar Fiqi?
    02:54 Maxaa ku kallifay inuu isu sharraxo?
    05:30 Aragtidiisa doorashooyinka
    08:02 Xisbigiisu ma isdiiwaangeliyey?
    08:30 Doorashada uu taageersan yahay
    09:54 Qof iyo cod ma hirgeli kartaa?
    12:42 Kalsoonida Madaxweynaha
    15:35 Mucaaradka iyo eedeymaha
    17:39 Haddii uu guuleysan lahaa doorashadii hore
    19:12 Qorshihiisa haddii uu guuleysto
    20:24 Dhexdhexaadinta Beesha Caalamka
    22:18 Saamaynta Beesha Caalamka
    24:20 Banaanbaxyo ma qorshaynayaan?
    25:22 Amniga Muqdisho
    29:03 Ma yahay qurbo-joog?
    30:26 Xalka marxaladda taagan
    31:32 Dhammeystirka Dastuurka
    38:32 Maxaa loogu codeynayaa?
    42:55 Ballanqaadyadiisa
    43:49 Gunaanad

    45 min
  • S1E4 | Doorasho Qof iyo Cod Soomaaliya Ma U Diyaarsan Tahay? | Wakiil Bulsho Podcast

    Doorasho qof iyo cod ma tahay xalka Soomaaliya? Maxaa caqabad ku ah hirgelinteeda? Sideese loo heli karaa doorasho lagu wada qanco?

    Todobaadkan barnaamijka Wakiil Bulsho Podcast, oo uu soo saaro isla markaana daadihiyo Zakariye Xasan, waxaa marti ku ah Cabdicasiis Cabdiraxmaan Yuusuf, oo ah Khabiir Arrimaha Doorashooyinka.

    Wareysigan waxaa lagu falanqeeyay:

    Doorashada qof iyo cod
    Doorashooyinka Gobolka Banaadir
    Khibradaha Puntland iyo Somaliland
    Doorasho isku sidkan
    Doorka Guddiga Doorashooyinka
    Caddaaladda doorashooyinka
    Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah
    Mustaqbalka nidaamka doorashooyinka Soomaaliya
    Iyo arrimo kale oo muhiim ah.

    πŸŽ™οΈ Barnaamij: Wakiil Bulsho Podcast
    🎀 Soo saare & Daadiye: Zakariye Xasan
    πŸ‘€ Marti: Cabdicasiis Cabdiraxmaan Yuusuf – Khabiir Arrimaha Doorashooyinka

    Timecodes:
    00:00 – 02:31 | Hordhac
    02:31 – 04:26 | Doorasho qof iyo cod: Maxay tahay?
    04:26 – 06:19 | Goormee ayuu dalku u baahan yahay?
    06:19 – 09:26 | Doorashooyinka Gobolka Banaadir
    09:26 – 10:25 | Doorashooyinkii Puntland iyo Somaliland
    10:25 – 12:10 | Maxay tahay doorasho isku sidkan?
    12:10 – 13:07 | Goormee ayaa loo baahan yahay doorasho isku sidkan?
    13:07 – 15:44 | Maxaa doorashada ka dhigaya mid lagu qanco?
    15:44 – 17:37 | Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah: Maxaa Soomaaliya ka hortaagan?
    17:37 – 21:42 | Doorka Guddiga Doorashooyinka
    21:42 – 25:01 | Caddaalad-darrada doorashooyinka
    25:01 – 28:33 | Soomaaliya iyo Afrika
    28:33 – 35:39 | Modelka doorashada
    35:39 – 36:25 | Halkee ayay ku dhammaan doontaa?
    36:26 – 42:27 | Waa kuma musharraxa JSP ee Galmudug?
    42:27 – 43:51 | Tanaasulkii Madaxweynaha Galmudug
    43:51 – 48:07 | Gabagabo

    49 min
  • S1E3 | Wakiil | Waxbarashada Hirshabeelle: Caqabadaha, Imtixaanaadka iyo Mustaqbalka Ardayda

    Podcast-kan Wakiiil waxa uu diiradda saaraya xalqadaan xaaladda waxbarashada Hirshabeelle, gaar ahaan imtixaanaadka dugsiyada dhexe, shaqada Wasaaradda Waxbarashada, saameynta khilaafaadka siyaasadeed, iyo xaaladda ardayda ku nool deegaannada ay colaadaha iyo amni-darradu saameeyeen.

    Martida waa wasiirka Waxbarasha Hirshabeelle Saciid Xagar CamalowΒ 

    wasiirka waxa uu sharxayaa sida Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle u maamusho imtixaanaadka, waxa laga bartay imtixaanaadkii hore, iyo qorshayaasha lagu xoojinayo adeegyada waxbarashada ee gobolka. Waxa kale oo laga hadlayaa xarunta cusub ee wasaaradda, furitaanka iskuullada aasaasiga ah, iyo qorshaha lagu doonayo in Jaamacadda Ummadda faraceeda la geeyo magaalada Beledweyne.

    Irmaan waxaa daadihinaya Cabdullaahi Salaad oo Dawan ka tirsan.

    Qodobada Lagu Falanqeeyay
    Xogta imtixaanaadka dugsiyada dhexe
    Shaqada waaxda shahaadooyinka Hirshabeelle
    Khilaafaadka Hirshabeelle iyo Gobolka Hiiraan
    Saameynta amniga ee ardayda
    Furitaanka iskuullada aasaasiga ah
    Qorshaha Jaamacadda Ummadda ee Beledweyne
    Caqabadaha waxbarashada Hirshabeelle
    Shaqo la’aanta dhallinyarada Soomaaliyeed

    TIMECODE

    00:00 Hordhac
    01:59 Xogta Imtixaanaadka Dugsiyada Dhexe
    04:36 Maxaa Laga Bartay Imtixaanaadkii Hore?
    06:07 Waaxda Shahaadooyinka Hirshabeelle Sidee Ayay U Shaqeysaa?
    07:33 Khilaafaadka Hirshabeelle iyo Gobolka Hiiraan
    11:13 Furitaanka Iskuullada Aasaasiga ah
    11:54 Furitaanka Jaamacadda Ummadda ee Beledweyne
    16:16 Deegaannadii Al-Shabaab La Wareegeen iyo Ardayda Ku Nool
    20:48 Sidee Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle Ku Heshay Xarun Cusub?
    25:07 Maxay Yihiin Caqabadaha Horyaalla Waxbarashada Hirshabeelle?
    26:25 Yoolalka Wasaaradda Waxbarashada Hirshabeelle
    29:13 Shaqo La’aanta Dhallinyarada Soomaaliyeed
    32:20 Gunaanad

    33 min
  • S1E2 | Muxuu Xildhibaan Cabdiraxmaan ka yiri? Muqdisho, Doorashooyinka iyo Mucaaradka |WakiilBulsho

    Podcast-kan WakiilBulsho xalqada TodobaadkaanΒ  waxaan ku falanqeyneynaa xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, gaar ahaan doodaha ku saabsan arrinta dhulka, doorashooyinka, banaabaxyada mucaaradka, iyo amniga magaalada Muqdisho.

    Martida: Xildhibaan Cabdiraxmaan Axmed Cusmaan Gurey, oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.

    Martidu waxay sharxeysaa sababta uu siyaasadda u galay, sida uu ku yimid Golaha Shacabka, aragtidiisa ku saabsan xaaladda dadka uu matalo, iyo doodaha ku saabsan mas’uuliyadda dowladda iyo mucaaradka.

    Waxaan sidoo kale ka hadlaynaa xaaladda Muqdisho, arrinta dhulka, doorashada qof iyo cod, eedaha ku saabsan boobka siyaasadeed, iyo sida dalka looga gudbi karo khilaafaadka taagan.

    Barnaamijka Wakiil Bulsho waxaa soo saarta Dawan Media.

    Time Code:
    00:00 Hordhaca Wakiil Bulsho
    01:52 Soo dhaweynta martida
    02:18 Sababta uu siyaasadda u galay
    09:05 Dhibaatada dadka laga soo doortay
    15:45 Banaabaxyada iyo mucaaradka
    18:25 Geerida muwaadiniinta iyo amniga
    21:05 Dhulka iyo muranka ka taagan
    23:45 Muqdisho iyo amniga
    26:15 Doorashada iyo qof iyo cod
    30:05 Golaha Shacabka iyo sharciyada
    35:20 Fariinta Xildhibaan Gurey

    37 min
  • S1 E1: Xildhibaan Maxamed Aadan Caanooy | Ma gutay waajibaadkii HOP 135? : Wakiil Bulsho

    Xalqada 1aad ee barnaamijka Wakiil Bulsho Podcast, oo ah madal si gaar ah loogu wareysto Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaan marti ku ah Xildhibaan Maxamed Aadan Caanooy.

    Barnaamijkan waxaan si qoto dheer ugu falanqeynayaa doodaha ugu kulul ee taagan, isbeddellada Dastuurka, iyo arrimaha doorashooyinka dalka. Waxaan si gaar ah u weydiinaynaa xildhibaan Caanooy: Ma gutay waajibaadkii HOP 135?

    Martida barnaamijka waa Xildhibaan Maxamed Aadan Caanooy, halka uu daadihinayo Sakariye Xasan.

    βœ”οΈΒ  Metelaadda Deegaanka: Sidee xildhibaanku u matalay dadka uu matalo, gaar ahaan HOP 135?
    βœ”οΈΒ  Dastuurka: Doodda ku saabsan isbeddellada lagu sameeyay Dastuurka iyo muddada xileedka.
    βœ”οΈΒ  Doorashooyinka: Xaqiiqada hannaanka doorashada ee dalka ka socda iyo caqabadaha horyaalla.
    βœ”οΈΒ  Doodda Taagan: Jawaabaha xildhibaanka ee ku aaddan dhaleeceynta mucaaradka iyo xaaladda 15-ka May.


    Daawo *Wakiil Bulsho* si aad u hesho wareysi dhinacyo badan taabanaya iyo xog dhab ah oo ku saabsan nidaamka dawladnimada Soomaaliya.

    Time Codes


    00:00 Hordhac
    02:28 Taariikhda Xildhibaanka
    06:47 Siduu siyaasada ugu soo biiray
    07:17Β  Sababtii uu siyaasada ugu soo biiray
    09:25 Shaqada Xildhibaanka maxay tahay?
    13:01 Kiiskii Ikraan Tahliil iyo doorkii Xildhibaan Aamina
    16:29 Dhamaadka muddada Baarlamaanka
    22:58 Ansixinta dastuurka iyo wax ka badalka lagu sameeyay
    28:24 Maxaa dhacaya 15 May?
    31:57 Fariimaha mucaaradka loo dirayo
    34:25 Doorashadii Muqdisho ka dhacday
    35:28 Khilaafka Hiiraan
    36:47 Tabashada Hiiraan
    38:52 Doorashada qof iyo cod ee Hirshabeelle
    40:03 Ciidamada la geeyay Hirshabeelle
    43:51 Horumarka Hirshabeelle maxaa hortaagan?
    46:12 Talooyinka qofka doonaya xildhibaanimo
    49:11 Caqabadihii doorashadii 2022
    52:20 Talada xildhibaanka
    54:26 Guuldarro iyo khibrad
    57:14 Gabagabo

    ━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━

    πŸ”” *HA SEEGIN XALQADAHA SOO SOCDA*

    Riix *SUBSCRIBE* oo daar ogeysiiska (πŸ””) si aad ugu horrayso markaan soo bandhigno martida xigta β€” siyaasiyiin, falanqeeyayaal, iyo hoggaanka bulshada.

    πŸ“ Subscribe: [Dawan TV YouTube Channel]
    πŸ’¬ Ra’yigaaga ku reeb faallooyinka
    πŸ”” Nala soco si aad u hesho wareysiyada ugu xiisaha badan Soomaaliya!

    [https://www.dawan.so/](https://www.dawan.so/)
    [https://www.dawan.africa](https://www.dawan.africa)

    ━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━

    πŸ“² *NALA SOO XIRIIR*

    🌐 Website: [https://dawan.so/](https://dawan.so/)
    πŸ“˜ Facebook: /DawanTV
    🐦 X/Twitter: @DawanTV
    πŸ“Έ Instagram: @DawanTV
    🎡 TikTok: @DawanTV

    ━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━━

    #Soomaaliya #SomaliPolitics #Muqdisho #Baarlamaanka #WakiilBulsho #DawanTV #GolahaShacabka #DoorashoSoomaaliya #SiyaasaddaSoomaaliya #SomaliNews #Dastuurka

    Β© *Dawan TV* β€” Dhammaan xuquuqdu way xafidan tahay.


    58 min

About Wakiil Bulsho

From the publisher's feed

Wakiil Bulsho is the first podcast of its kind in Somalia. It is a platform built to bring Members of Parliament and Senators face-to-face with the people they represent. Hosted by Zakariye Soohoyde, the show creates a direct line between elected officials and their constituencies, where citizens' questions actually get answers.