Sweden waxaa ku nool dadyoow gaareya 1,3 malyan oo ruux oo siyaabo kala duwan u xanaaneeya qof ka mid ah qaraabadood, halka dhanka kale ey kala duwan yihiin xeerarka qabta kolka uu shakhsiga xanaanada u baahan uu dalka deggen yahay iyo kolka aanu deggenayn. Wilo Cabdulle waxey dib ugu laabatay dalkii hooyo sidii ay u xanaaneeyn lahayd hooyadeed oo da' ah kadib muddo 25 sannadood ah ku dhaqneeyd Sweden.