Codka Ubax

Codka Ubax

By Ismaaciil C UbaxSociety & CultureArtsLeisure
Download on the App Store
  • Favorites

    213

    Followers

  • Typical duration

    28 min

    per episode

Based on Podcast App listening data

Codka Ubax episodes

  • SE02EP07 Tufaaxii Aan Tirsaday

    Send us Fan Mail

    Weli qof aad si kedis ah u kulanteen, dabeecaddiinuna is fahantay, weliba aad iska hesheen, ma is weydeen markiiba, sidaasna ma ku kala lunteen. Cumar Seerbiya ayaa markii u horreysay u safray Jabuuti, jidka waxa ay sii wada mareen Sahra. Iyaga oo isku faraxsan ayay kala lumeen markii ay xadka Jabuuti gaadheen. Dhegaysi wacan!

    Support the show

    23 min
  • SE02E06 Halgankii SYL Noocee Ayuu Ahaa?

    Send us Fan Mail

    Ururrada gobanimadoonka ee Soomaalidu way badnaayeen. In badan waxa laga hadlaa SYL oo lagu sheego in ay ahayd hormoodka ururradaas. Maxaa ka jira, halgan noocee ah ayay se gashay? Waxa aan kala sheekaystay qoraa Sayid Axmed Dhegey oo ku nool dalka Sweden, buugaag dhawr ahna ka qoray sooyaalka Soomaalida. 

    Support the show

    33 min
  • SE02EP05 Farshaxanka Munira Yussuf

    Send us Fan Mail

    Munira Yussuf waa farshaxan wax ku sawirta kombiyuutarka "Digital Artist". Waxsoosaarka Munira ayaa aad looga bartay dalka Sweden iyo qaaradda Yurub oo dhan muddooyinkii u dambeeyay. Munira waxa hore loogu diiday in loo qaato qaar ka mid ah dugsiyada farshaxanka lagu dhigto ee dalka Sweden, maantana dugsiyadii laftoodii ayaa soo dalbanaya in ay farshaxankeeda ku soo bandhigto iskuulladaas. 

    Support the show

    23 min
  • SE02EP04 Waayihii & Waxqabadkii Maxamed Baashe X. Xasan

    Send us Fan Mail

    Maxamed Baashe X. Xasan waxa uu ku geeriyooday magaalada London, maalintii Khamiistii, 18-kii June 2020. Maxamed waxa uu ahaa qoraa/suxufi/halgamaa jecel horumarinta afka iyo dhaqanka oo uu waxsoosaar badan ku darsaday, sidoo kale waxa uu ahaa qof aragti ku socda oo aan fikirkiisa la baqan. Shakhsiyaddiisii iyo waxsoosaarkiisii waxa ka warramaya qaar ka mid ah asxaabtiisii, Cabdi Faarax Juxa, Rashiid Sh. Cabdillaahi, Saynab Daahir, Boodhari Warsame iyo Xamda Cigaal. Alle ha u naxariisto. 

    Support the show

    28 min
  • SE02EP03 Waa Layga Guursaday 1

    Send us Fan Mail

    Siyaabo kala duwan ayay isu waayi karaan labada jeceli. Waxa ka mid ah faragelin waalid, duruufo bulsho ama isfahandarro labada dhinac ah. Laba ka mid ah sheekooyinkii ugu saamaynta badnaa taxanihii la odhan jirey #WaaLaygaGuursaday ayaynu qaybtan ku eegaynaa. 

    Support the show

    25 min
  • SE02EP02 1979: Kulankii Aniga & Cabdi Tahliil

    Send us Fan Mail

    Alle ha u naxariisto fannaankeennii weynaa ee Cabdi Tahliil Warsame. Muddo 20 sanno ah oo uu xanuunsanayay ka dib, 5-tii Juun ee 2020-ka ayuu geeriyooday fannaanku. Waxa aan anigu ku xasuusanayaa kulan na dhex maray 1979-kii, aniga oo aan weli dhalan. Dhegaysi wacan!

    Support the show

    13 min
  • SE02EP01 Ujeeddada Mahadnaqa

    Send us Fan Mail

    Caqabadaha nolosha kula soo gudboonaada oo dhan, waxa lagaga gudbi karaa dhabaradayg iyo samir. Kuwaas wasa sees u ah mahadnaqa Eebbe. Qaybta barnaamijkan oo ah bilowga Season 2 ama Kalka 2-aad, waxa aynu ku eegi doonnaa muhiimadda mahadnaqu u leeyahay qofka. 

    Support the show

    10 min
  • SE01EP12 Su'aalaha Dhegaystaha 1

    Send us Fan Mail

    Su'aalo badan oo ay dhegaystayaashu soo weydiiyeen daaddihiyaha Codka Ubax ayaa barnaamijkan sal u ah. Amina-Isir ayaa qaybtan gadhwadeen ka ah. Dhegaysi wacan!

    Support the show

    32 min
  • SE01EP11 Fathia Absie

    Send us Fan Mail

    Bulshooyinka Soomaalidu aad ayay jacaylka u qaddariyaan, una weyneeyaan dhanka fanka iyo suugaanta marka ay tahay. Balse nolosha caadiga ah, isku si uga ma muuqato dhaqankeenna. Waa maxay sababta jacaylka looga xishoodaa, dadka is qabana aan looga dareemin? Fathia Absie ayaan kala sheekaystay su'aashan iyo kuwo kaleba. 

    Support the show

    47 min
  • SE01EP10 Dhaqanka Akhriska ee Sweden

    Send us Fan Mail

    Sweden waxa ay aaminsan tahay, ardayga haddii aan afkiisa hooyo lagu barin iskuulka, afafka kalena wax hagaagsan ka baran maayo. Sidee ayay bulshada Soomaalida ee reer Sweden uga faa'idaystaan fursaddan? Waxa aan la sheekaystay Qoraa Musa Dalmar oo qora buugaagta carruurta, soona turjuma kuwa dhiggooda ah ee Swedish-ka ah. 

    Support the show

    27 min

About Codka Ubax

From the publisher's feed

Codka Ubax waa podcast uu Ismaaciil kula sheekaysto dad uu u arko in ay saamayn togan ku leeyihiin bulshada, waxa xoogga lagu saari doonaa arrimaha bulshada ee wanaagga ah. 

Best of Codka Ubax

Ranked by our users in the last 21 days

More shows like Codka Ubax

Mufti Menk by Muslim Central

Mufti Menk

2,075 Listeners

Mishary Rashid Alafasy by Muslim Central

Mishary Rashid Alafasy

478 Listeners

Saad al-Ghamdi by Muslim Central

Saad al-Ghamdi

71 Listeners

Omar Suleiman by Muslim Central

Omar Suleiman

1,991 Listeners

Abdur-Rahman as-Sudais by Muslim Central

Abdur-Rahman as-Sudais

107 Listeners

سحاب by

سحاب

142 Listeners

كنبة السبت by Mics مايكس

كنبة السبت

2,245 Listeners

To Fluency Podcast: English with Jack by Jack from To Fluency

To Fluency Podcast: English with Jack

76 Listeners

The Digital Sisterhood by The Digital Sisterhood

The Digital Sisterhood

2,412 Listeners

Your Muslim Girl Podcast by Fatima Sabir

Your Muslim Girl Podcast

144 Listeners

Kabasho by Hamda Hussein

Kabasho

193 Listeners

Somali Show by Mohamed

Somali Show

8 Listeners

Mufti Menk Podcast by Mufti Ismail Menk

Mufti Menk Podcast

38 Listeners

The Holy Quran, Sheikh Maher Al-Muaiqly | القران الكريم ماهر المعيقلي by Sheikh Maher Al-Muaiqly

The Holy Quran, Sheikh Maher Al-Muaiqly | القران الكريم ماهر المعيقلي

24 Listeners

The Holy Quran, Sheikh Saad Al Ghamdi | القران الكريم سعد الغامدي by Sheikh Saad Al Ghamdi

The Holy Quran, Sheikh Saad Al Ghamdi | القران الكريم سعد الغامدي

11 Listeners