Hawraarsan Podcast

Hawraarsan Podcast

By Ismail Salad Hajji DirirNews
Download on the App Store

Hawraarsan Podcast episodes

  • Taariikh Nololeedkii Dr Nawal El Sadawi
    "Geeridu ma ahan wax jira" waa hadalka ugu caansan ee laga hayo Dr Nawal El Sadawi oo 21-kii bishan March ee sanadka 2021 ku geeriyootay cusbitaal ku yaal magaalada Qaahira ee dalka Masar.
     
    Maadaama aan maalmahan dambe baraha bulshada ku arkayay gabdho soomaaliyeed oo ka tacsiyaynaya geerida islaantan, waxaan jeclaystay in aan xalqaddan gaarka ah idin kula wadaago taariikh nololeedkeedii oo kooban si aynu bal u ogaano qofka runta ah oo ay ahayd.
    9 min
  • Fanka Sheeko sheegista (Art of Storytelling) - Abdifitah Shirwac
    Abdifitah Shirwac waa Sheeko sheege (Storyteller) iyo Blogger, waxa uu bulshada Soomaaliyeed usoo gudbiyaa sheekooyin isugu jira kuwo uu ugu qareemayo dadka dhibaataysan iyo qaar kale oo uu madadaalo ahaan uga gol-leeyahay, sidoo kale waa blogger diiwaan geliya dhacdooyinka xiisa leh ee uu hadba la kulmo.
    Waxa uu aas aasay madasha Maansom oo ah madal ujeedkeedu yahay ururinta hiddaha iyo dhaqanka soomaalida, iyo jecaleysiinta dhalinyarada soomaaliyeed dhaqankooda qurxoon iyadoo la adeegsanayo #FariintaDhalinta ama #Youthmessage.
    Xalqadan Shirwac waxa uu kaga sheekaynayaa khibraddiisa sheeko sheegista (The art of Storytelling), sidoo kale waxa uu nala wadaagayaa dhacdooyin la xiriira dhaqanka soomaalida oo aad uxiisa badan islamarkaana uu asagu wax ka qoray. #HawraarsanPodcast
    29 min
  • Sheekada guusha ee Hidaayo Mursal
    Hidaya Mursal Cabdirixmaan waa gabar dhalinyaro ah oo ku nool magaalada Muqdisho, waa ardayad wax ka barata mid kamid ah jaamacadaha dalka waxa ayna si mug leh uga shaqaysaa arrimaha bulshada.
    Sanadkii 2014 kii, Hidaayo waxa ay asaastay dugsi ay si lacag la'aan ah wax uga barteen carruur soomaaliyeed oo tiradoodu kor udhaaftay 400 oo isugu jiray wiilal iyo gabdho.
    Dhowr iskuday oo ay ku fashilantay kadib, Hidaayo waxa ay sanadkii tagey ee 2020 ku guuleysatay in ay dhidibada utaagto shirkad dalxiis oo lagu magacaabo Seebeyond Somalia.
    Xalqaddan Hidaayo waxa ay kaga sheekaynaysaa nolosheedii hore, shaqooyinka ay qabato shirkadda Seebeyond Somalia iyo qaabkii ay u asaastay, sidoo kale waxa ay si guud uga warrami doontaa doorka ay dhalinyarada Soomaaliyeed ka qaataan ganacsiga ka jira dalkeena. #HawraarsanPodcast
    26 min
  • Hal abuurka suugaanta iyo dhalinyarada Soomaaliyeed
    Muxyadiin Maxamed Cabdille waa nin dhalinyaro ah oo hibo ilaahay usiisay curinta suugaanta noocyadeeda kala duwan, waxa uuna ku nool yahay gudaha dalkeena hooyo.
    Suugaanta uu curiyo Muxiyadiin badi waa mid uu uga hadlo arrimaha bulshada gaar ahaan wadaniyadda, dowlad wanaagga, dhaqanka soomaalida, horumarinta nolosha aadanaha iyo wiliba haasaawaha dhalinyarada.
    Muxiyadiin waa martida todobaadkan ee Hawraarsan Podcast, waxa aanna kala sheekaystay waayihiisa hal abuurnimo iyo wiliba guud ahaan halka uu marayo kan Soomaalidu oo waayadan dambe lagu xanto mid hoos usii dhacaya. #HawraarsanPodcast
    33 min
  • Doorka dhalinyaradu ka qaataan Horumarinta Bulshada
    Midowga dhalinyarada Mutadawiciinta Soomaaliyeed waa urur dhalinyaro oo la asaasay bishii March ee sanadkii 2017 kii, waxa uu ka hawl galaa Somalia, gaar ahaan gobolka banaadir iyo nawaaxigiisa. Waa midow dhalinyaro oo shaqadoodu tahay wacyi gelinta bulshada iyo kaalmaynta dadka nugulka ah ee ubaahan caawinta.
    Ma ahan urur faa’iido doon ah taas bedelkeedana waxay dhalinyaradani wakhtigooda, hantidooda iyo aqoontoodaba galiyaan horumarinta bulshada dan yarta ah.
    Dr. Mohamed Magan waa mid ka mid ah aasaasayaasha Midowgaas dhalinyarada ah waxaan kala sheekaysanayaa waxa uu qabto ururkoodu, ujeedkii loo aasaasay, guulihii ay gaareen iyo wiliba caqabadaha ay la kulmeen intii wadeen shaqadan.
    23 min

About Hawraarsan Podcast

From the publisher's feed

We talk about social issues, especially education, economics, health, culture, science and human rights issues. We invite Somali youth who are knowledgeable and passionate about community services.