Kulmiso

Kulmiso

By KULMISOSociety & Culture
Download on the App Store

Kulmiso episodes

  • MONAASABADDA 15. MAY 2021 PART 9

    Dhagste waxaa macquul ah in aad isweydiisid aaway qaybihii kale? Noo dulqaado way soo socdaan e. Munaasabbadan maalin dhan bay 9 saacadood socotay, si aan idiinku fududeyno ayaan soo jarjaraynaa oo qayb ba mar idiin soo gelin. Sababta aan ku doortay qaybta 9aad waa in ay qayb i qusaysa ximbaarsan tahay. Balse taariikh dalka iyo dadkaaga haldoorka ahna qayb bay ku baraysaa ee dhagaysi wacan. Mahadsanidiin.Ā 

    50 min
  • BASIC UNDERSTANDING OF MENTAL HEALTH

    Waxaa barnaamijkan qabtay SOMALI MENTAL HEALTH CLUB ee Clubhouse oo ay ku midaysan yihiin dhaqaatiir cilminafsi oo qaarkood ka mid yihiin TEAM KULMISO. Waxaan ka xumahay in Ayan Jamuus hadalkeedii uusan innoo duubmin. Balse waa hubaal in aad wax badan ka faa`iidi doontid. Naftaada caafi oo is baro si aad u aragto wacyi walba oo aad ku jirtid. Dhagaysi wacan.Ā 

    1 hr 38 min
  • MARTIDA KULMISO DR. ABDIRAHMAN M. A. HASHI

    WAXAA BARNAAMIJKA MARTI INNOOGU AH DR. ABDIRAHMAN MAXAMED CABDI HASHI OO ASIGU AH MUSHARAX MADAXWAYE EE DALKA SOOMAALIYA 2021. WAXAAN WAYDIINAY OO UU NOOGA JAWAABAYAA "SIDEE SOOMAALIYA KU GAARI KARTAA ISBEDEL IYO HORUMAR DHAB AH?" HUBAAL WAAD IS WADA WAYDIINAYSAAN. BALSE HORAANTA WAA AYO DR. ABDIRAHMAN?Ā 

    4 hr 50 min
  • CODKA BULSHADA

    Barnaamijkan waxaa soo qabanqaabisay SGEM Club (Clubhouse).

    Waxa aan uga doodaynaa "Ma loo baahan yahay in la sii wado ololaha 30%+?Ā 

    Waa barnaamij si daahfuran loo ra`yi wadaagayo. Fadlan fikirkaaga na la wadaag oo qoraal noogu soo dir [email protected]

    2 hr 34 min
  • SOMALI ENTERTAINMENT PRESENTS FARHIYA KABAYARE

    SOOMAALI ENTERTAINMENT WAA HOOL MURTIDA IYO MADADAADALDA. Waxa uuna ka furan yahay clubhouse ee ha moogaan haddii aad tahay shaqsi ku dhaata dhaqankiisa oo suugaantu qiimo u leedahay. Suugaantu waa halka xadaaradda bulsho laga dheehdo. Waxaan u mahad celimayaa Talyaani, Abdinaasir, Goiska iyo dhammaan bahda Somali Entertainment oo runtii ehel ii ah.Ā 

    3 hr 48 min
  • EID SHOW By. SOMALI ENTERTAINMENT CLUB & KULMISO CLUB

    Waxaa mahad ballaaran iska leh maamulka Hoolka Murtida & Madadaalada Soomaalida ee Clubhouse oo saamaxay in Madasha Kulmiso ay qayb ka noqoto qabanqaabada BANDHIGA CIIDDA 14. MAAJO, 2021 oo ay Marti sharaf ku ahaayeen Qamar Suugaani, Digriyoow Cabdi, Dj. Muscab iyo dhammaan fanaaniinta Soomaalida. Halkan ka dhagayso qaybtii 1. aad. Hanna sugi weyn qaybt 2aad.Ā 

    3 hr 21 min
  • SUUGAAN - Waa Maxay Tix?

    Madaama aan kale reebnay Suugaantii (TIX & TIRAAB) oo sabtidii hore aynu qaadaa dhignay TIRAAB ayaan sabtidan qaadaa dhigi TIX.

    Martida: Axmed Faarax Cali "Idaajaa" oo qeexaya TIX iyo Rashid Sheikh Abdillaahi "Garwayne" Ā oo innoo sharaxaya maansaddii "Bulsho" ee Mohamed Ibraahim "Hadraawi". Intaa waxaa dheer falanqaynta cajiibka leh ee haween iyo ragba bixinayaan marka Team Kulmiso iyo shacabku isla falgalaan. Waan fahmayaa in barnaamijku aad u dheeryahay lakiin qaybo baan u qaybin doonaa ee hadda iska sii dhagaysta oo halkaad uga tagto xasuusnaaw oo bartii ka sii wado. Mahadsanid in aad soo booqatay Podcaste-tigan #Kulmiso. Faa`ladiinu waa innoo muhiim fadlan aragtiyahaaga ku aadan DEGELKAN KULMISO nala wadaag. Ā Nagala soo xiriir: kulmiso.com ama [email protected]



    4 hr 19 min

About Kulmiso

From the publisher's feed

šŸ—£Kulmiso's mission is to offer and promote content that will lead to a Somali paradigm shiftšŸ‘„ šŸ—£Ujeedada Kulmiso waa inay soo bandhigto oo dhiirigeliso waxyaalo u horseedi doona isbadal ku yimaada…