Habka tirsiga sanadka, Soomaalidu waxa ay tirsan jireen, welina tirsadaan, laba hab; labadaas oo kala ah habka tirsiga sanad-qorraxeedka iyo habka sanad-dayaxeedka. Soomaalidu waxa ay lahaayeen, welina leeyihiin, sanadka dabshidka oo la socda habka tirsiga sanad-qorraxeedka. Habkani wuxuu la jaanqaadayaa xilliyada dabaylaha iyo roobka ee sanadka, oo ay Soomaalidu uga baahnaayeen hab nololeedkooda. Beeraleyda, xoolaleyda […]